Haqabtirenews.com
DAAWO Sawiro Qurux Badan Tartan Ciyareedka Qabyo-tire Ee Ka Socday Garoonka Lixle Oo Lasoo Gabagabaayey.
July 4, 2016 - Written by admin
">

Waxa maanta lagu soo gunaanaday garoonka Lixle Stadium ee magaalada burco Tartan ciyareedka bisha barakaysan ee Ramadaan oo sanadkasta bisha ramadaan lagu qabto garoonkaasi, Tartan ciyareedkani ayaa loogu magac daray laguna maamuusaayey badhasaabka Gobolka togdheer Maxamed Ibraahim Adan (Qabyotire) oo ah badhasaabkii ugu wax qabadka badnaa ee soo mara gobolka Togdheer.

Ciidama Police Gobolka togdheer ayaa waxa ay si lixaadleh u sugaayeen mudadii uu socday tartankani Amaanka garoonka Lixle Stadium iyadoona ay kaalin lixaadleh ka qaateen Qabsoomida Tartan ciyaareedkani Qabyo-tire.

Tartan ciyaareedkani bisha Ramadaan Ee Qabyotire ayaa waxa ka qayb qaadanaayey kooxo tiro badan ayaa waxa Gabagabadii isugu soo baxay kooxaha ku kala ciyaaraayey GAARUF STORE Iyo BINI-AADAM TEA SHOP oo ku yaala magaalada Burco waxaana Ciyaartaasi ay daqiiqadaheedii Caadiga ahaa ay ku soo idlaatay 0:0 Gool la,aan ah Gababagabadii ayaa waxa lagu kala badiyey Gool ku laad ama Rikoodhayaal ay Guusha koobkaasi ku Raacday kooxda BINI-AADAM TEA SHOP.

Halkan Hoos Ka Daawo Sawiro Ku Saabsan Ciyaartaasi.

 

 

IMG_0470 IMG_0472 IMG_0481 IMG_0493 IMG_0495 IMG_0498 IMG_0502 IMG_0503 IMG_0509 IMG_0520 IMG_0523 IMG_0531 IMG_0556 IMG_0559 IMG_0595 IMG_0601 IMG_0619 IMG_0623 IMG_0628 IMG_0635 IMG_0642 IMG_0645 IMG_0653 IMG_0669 IMG_0671

IMG_0681

COMMENTS
Latest News