Haqabtirenews.com
Warbixin: Kadib Heshiis Kordhintii Neymar Junior Ee Barcelona Waa Kuwee 10 Xidig Ugu Mushaarka Badan Kubada Cagta ?
July 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Barcelona ayaa qandaraaska u kordhisay Neymar iyadoo sare u qaaday lacagta mushaarka ah ee uu xidigaa qaadanayo todobaadkii waxaana sidii aan saakay idiin soo gudbinay la ogaaday in Neymar uu qaadan doono lacago ka badan inta ay qaataan Messi iyo Cristiano Ronaldo taasoo la macno ah inuu yahay ciyaariyahanka aduunka ugu mushaarka badan.

Hadaba waa kuwee xidigaha ugu mushaark badan aduunka ? waxaan soo qaadaneynaa liiska xidigaha hela lacagaha ugu badan (Kuma jirto xayeeysiinta iyo lacagaha shaqsiga ah ee soo gala ee waa kaliya mushaaraadka ay ka qaataan kooxahooda ).

Hadaba Halkaa Ka Arag Liiska:

Aguero: 15.1M euros

Hazard: 16M euros

Iniesta: 16M euros

Luis Suarez: 16M euros

Rooney: 16.9M euros

Bale: 21.4M euros

Ibrahimovic: 26.7M euros

Cristiano: 47 Milyan oo Euros

Messi: 50 Milyan oo euros

Neymar: 56M euros

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News