Haqabtirenews.com
Warbixin: Anthony Martial Oo Ka Qaalisan Gareth Bale, Luis Suarez Iyo Paul Pogba, Delli Alli Oo Ka Qiimo Badan Robert Lewandowski Iyo Thomas Müller, CIES Oo Soo Saartay Xidigaha Ugu Qaalisan Kubada Cagta Caalamka.
July 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xarunta dhexe ee baaritaanada Sports ka ee International Centre for Sports Studies (CIES) ayaa soo saartay liiska xidigaha ugu qaalisan ama ugu qiimaha badan aduunka waxaana markale ciyaariyahanka ugu qiimaha badan noqday xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaasoo ku dhawaad 40 milyan oo euros ka qaalisan lacagta heshiiskiisa ;agu buburin karo waxayna xaruntaan ku qiimeysay kabtanka ARgentina lacag dhan211.1 milyan oo euros.

Xidig kale oo Barca ah ayaa ku soo xiga waana kabtanka Brazil ee Neymar kaasoo dhawaan qandaraas cusub ka saixixay garoonka Camp Nou wuxuuna markale ka qaalisan yahay Cristiano Ronaldo waxaana xidigaan hore loogu qiimeyn jiray 152 milyan oo euros laakin wuxuu haatan gaaray qiimihiisa lacag dhan 201.5 milyan euros inkastoo uusan xitaa ciyarin Copa America.

Kabtanka Portugal ahna weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa markale soo galay kaalita sadexaad waxayna CIES ku qiimeysay xidiga sadexda jeer heysta abaalmarinta Ballon D’or ka lacag dhan 137.8 milyan oo euros.

Waxaa kaalinta afaraad ku jira xidiga dhawaan qandaraaska u kordhiyay kooxda Atletico ee Antoine Griezmann oo jira 25 sano wuxuuna qiimaha weeraryahanka ree France gaaray lacag dhan 120.2 milyan oo euros/

Anthony Martial (Manchester United – 20) 111.8 milyan oo euros, ayaa gaaray heer sare wuxuuna kamid noqday shanta xidig ee aduunka ugu qaalisan kadib xili ciyaareed cajiib ahaa uu ku qaatay kooxdiisa inkastoo uusan si qurux badan uga dhex muuqan tartanka Euro 2016 taasoo hubaal sare u qaadi laheyd qiimihiisa.

Luis Suárez (FC Barcelona – 29) 105.8 milyan, ayaa isna ah xidig kale oo xili ciyaareed layaab leh qaatay wuxuuna soo afjaray tartankii shaqsiga ahaa ee u dhexeeyay Messi iyo Cristiano wuxuuna hantay kabta dahabka ah ee yurub.

Paulo Dybala (Juventus – 22 sano ) 104.5 milyan, Sergio Agüero (Manchester City – 28 sano) 96.8 milyan ayaa ku soo xiga.

Laakin xidiga ay Real Madrid iyo Manchester United ku doonayaan 120 ka milyan oo euros ee Oaul Pogba oo ka tirsan kooxda Juventus ayeey CIES ku qiimeysay kaliya 90.4 milyan oo euros taasoo ah lacag ku dhawaad 30 milyan ka badan lacagta lagu raadinayo halka Gareth Bale oo isna ka tirsan kooxda Real Madrid oo si qurux badan uga dhex muuqanaya Euros ka lagu qiimeeyay 80.8 milyan oo euros wuxuuna liiska kala sareynta kaga jiraa kaalinta 11aad.

Messi Cristiano and Neymar

Halkaan Ka Bogo 20 ka Xidig Ee Ugu Qiimaha Badan Caalamka:

Leo Messi (FC Barcelona – 29) 211.1 million

Neymar (FC Barcelona – 24) 201.5 million

Cristiano Ronaldo (Real Madrid – 31) 137.8 million

Antoine Griezmann (Atlético – 25) 120.2 million

Anthony Martial (Manchester United – 20) 111.8 million

Luis Suárez (FC Barcelona – 29) 105.8 million

Paulo Dybala (Juventus – 22) 104.5 million

Sergio Agüero (Manchester City – 28 años) 96.8 million

Paul Pogba (Juventus – 23) 90.4 million

Gareth Bale (Real Madrid – 26) 80.8 million

Eden Hazard (Chelsea – 25) 78.3 million

Alexis Sánchez (Arsenal – 27) 75.8 million

Dele Alli (Tottenham – 20) 75.2 million

Thomas Müller (Bayern – 26) 73.5 million

Raheem Sterling (Manchester City – 21) 72.8 million

Robert Lewandowski (Bayern – 27) 67.8 million

Álvaro Morata (Juventus – 23) 64.2 million

Toni Kroos (Real Madrid – 26) 62.2 million

Gonzalo Higuaín (Napoli – 28) 60.9 millones

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News