Haqabtirenews.com
Madax Waynaha Guddida Ciyaraha Olympica-da Argentina Ee Gerardo Werthein Oo Shaki Galiyay Ka Qaybgalka Argentina Ee Ciyaaraha Rio Olympic Games 2016 Iyo Sababta Oo Faah Faahsan.
July 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Madax waynaha guddida ciyaaraha Olympica-da Argentina ee Gerardo Werthein ayaa walaac ka muujiyay ka qayb galka xulka qaranka Argentina ee tartanka ciyaaraha Rio Olympic Games 2016 oo xagaagan ka furmi doona dalka Brazil.  Gerardo Werthein ayaa eedayn u soo jeediyay xidhiidhka kubbada cagta Argentina iyo waliba tababaraha xulka qaranka Argentina ee Tata Martino.

Xidhiidhka kubbada cagta Argentina ayaa ku jira xaalad qalalaase ah tan markii uu muddo laba sano ka hor ah geeriyooday madax waynihii xidhiidhka kubbada cagta Argentina ee Julio Grondona. 9 ciyaartoy oo kaliya ayaa ilaa hadda loo magacaabay tartanka Rio Olympics ee Brazil ka furmi doona waxaana la doonayay in la soo saaro liiska 23 ka ciyaartoy ee Argentina uga qayb gali lahaa ciyaarahan.Gerardo Werthein

Madax waynaha guddida ciyaaraha Olympica-da Argentina ee Gerardo Werthein ayaa sidoo kale kooxaha ay ka tirsan yihiin ciyaartoyda ree Argentina u soo jeediyay in ay wada shaqayn ka yeeshaan ciyaartoyda la soo xulayo.  Gerardo Werthein ayaa ceeb ku tilmaamay in xul qaranka Argentina oo kale ah isla markaana laba jeer ku soo guulaystay koobka Olympica-da uu xaaladan oo kale ku jiro. 

Gerardo Werthein ayaa yidhi: “Waa wax ceeb ah in wadan laba jeer ku guulaystay bilada dahabka ah ee tartankan kubbada cagta aanu awoodin uu ku dhawaaqo ciyaartoydiisa waxaanan rajaynayaa in kooxuhu ay iskaashi sameeyaan.

 

Madax waynaha guddida ciyaaraha Olympics-ka Argentina ee Gerardo Werthein  ayaa si kooban eedayn ugu jeediyay FA-ga Argentina iyo tababare Tata Martino oo tababarka xulka qarankiisa laba todobaad dib u dhigay ciyaartoy yaraan awgeed wuxuuna yidhi: ” Ma jirto cid lala hadlaa, Martino waa in uu hurdada ka tooso isla markaana uu garto in ay tahay arin muhiim ah.Ma jirto cid danaynaysa kooxda Olympics-ka, laakiin bil wax in yar ka badan waxaa qasab ah in ay Maracana Stadium ugu soo guulasytaan bilada dahabka ah”. 

 

Argentina ayaa bilada dahabka ah ee Olympicska soo qaaday sanadihii 2004 kii yo 2008 kii waxayna Rio Olympic Games 2016 ciyaari doonaan 34 maalmood oo kaliya kadib markii ay finalka Copa America soo gaadheen oo ay guuldaro kala kulmeen Chile. Ciyaaraha Olympics ayay ka qayb galaan ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso 23 jirka waxaana la ogol yahay saddex ciyaartoy oo ay da’doodu ka wayn tahay 23 sano jir.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News