Haqabtirenews.com
Goolhaye Thibaut Courtois Oo Guuldaradii Xulka Qarankiisa Belgium Ka Soo Gaadhay Wales Dusha U Saaray Tababarihiisa Marc Wilmots.
July 3, 2016 - Written by Sports Staff
">

Goolhayaha xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa guuldaradii xulka qarankiisa xalay ka soo gaadhay Wales ku eedeeyay tababaraha xulka qarankiisa Belgium ee  Marc Wilmots. Xulka qaranka Belgium ayaa guuldaro lama filaan ahayd oo 3:1 ah kala kulmay Wales waxayna Belgium ka soo hadhay tartanka qaramada Yurub, laakiin Courtios ayaa ku dooday in ay sameeyaan qalad farsamo oo la mid ahaa kulankii Italy ee heerkii groupyada.

Sida lagu qoray websiteka Belgium laga leeyahay ee Sporza goolhaye Thibaut Courtois  ayaa tababarihiisa Marc Wilmots ku duray in uu shaxda 3-5-2 kala horyimid farsamo  la mid shaxdii ay Belgium guuldarada kaga soo gaadhay xulka qaranka Talyaaniga.Courtios

Thibaut Courtois ayaa yidhi: “Waxaanu samaynay qalad farsamo oo la mid ah kii aanu samaynay kulankii heerka groupyada ee Italy. Waxaanu ku ciyaarnay tatiko lamid ah tii ay dhbaatada isku midka ahi naga soo gaadhay ee 3-5-2. Kulanka si fiican ayaanu ku bilaabanay waxaaanu abuurnay laba ama saddex fursadood waxaananu ku dhalinay hal gool kadib si aad ah ayaa dib la noogu soo riixay, waxaananu ka tagnay banaan badan”. Hal Robson-Kanu fires Wales into the lead after a superb turn to fool three hapless Belgian defenders inside the penalty area

 

 

Thibaut Courtois ayaa sheegay in aanu ka shalaynayn ama ka qoomamaynin in uu ka hor yimid qorshihii xulka qarankiisa wuxuuna sheegay in uu tilmaamay halkii u baahnayd in la tilmaamo markii qolka labiska layskugu yimid wuxuuna yidhi: ” Waxaan farta ku fiiqay halkii ay ahayd in la tilmaamo, waxaan qolka labiska ka sheegay wixii ay waajibka igu ahayd in aan sheego ee ciyaarta kadib”. Only a superb reaction save from Courtois to deny Neil Taylor prevented Wales levelling on 25 minutes, but it didn't keep them out for long

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News