Haqabtirenews.com
RASMI: Ibrahimovic Oo Ku Dhawaaqay U Dhaqaaqistiisa Manchester United .
July 1, 2016 - Written by Sports Staff
">

Zlatan Ibrahimovic will be reunited with Jose Mourinho at Manchester United

Zlatan Ibrahimovic ayaa xaqiijiyay in uu ku biiray kooxda Manchester United, oo si weyn loola xiriirinayay maalmihi lasoo dhaafay,

xiddigan 34-sano jir ah waxaa uu beeca xorta ah ugu biiray United, ka dib markii uu dhacay heshiiskii uu kula koogay kooxda Paris Saint-Germain,

Waxa uu ku guuleystay Ligue 1 afar jeer muddo afar sano ah oo uu la joogay kooxda PSG, xili ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ayuu dhaliyay 38 gool 31 kulan oo horyaalka ah.

Ibrahimovic, oo usoo ciyaaray Barcelona, AC Milan, Inter iyo Juventus, ayaana noqonaya saxiixii labaad ee Jose Mourinho ka sameeyo United, iyadoo weeraryahanka mushaarkiisa todobaadlaha ah uu  yahay £ 250,000.

Ibrahimovic ayaa ku guuldareystay horyaalka Horyaal kasta oo uu ka ciyaaray tan iyo sanadkii 2001 – inkastoo weli tartanka koobka kooxaha Horyaalada Yurub uusan ku guuleysan.

Ciyaaryahanka reer Sweden ayaa ku biiristiisa kooxda Premier League, waxay la la micno tahay inuu horyaalkii lixaad oo kala duwan mustaqbalkiisa ciyaareed rajeyn doono, marka laga reebo kaliya Bundesliga oo aanu ka ciyaarin Horyaalada kale waa uu wada qaaday.

Weli majiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Manchester United, lakiin ciyaaryahan ayaa xaqiijiyay inuu ku biiray kooxda Manchester United, lana midoobay tababarihiisii hore ee Jose Mourinho.

qorre.maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News