Haqabtirenews.com
LIVE: Wax Waliba Oo Aad Kaga Bahan Tahay Suuqa Kala Iibsiga Oo Maanta Si Rasmi Ah U Furmay ! Halkan Waxaan Idin Kugu Soo Gudbin Doonaa Saxiixyada Dhacay Ilaa Hadda Iyo Kuwa La sugayo Saacadaha Soo Socda .
July 1, 2016 - Written by Sports Staff
">

Suuqa kala iibsiga xagaagan England, Scotland iyo Wales ayaa furmay maanta oo ay tahay 1 july , iyadoo Horyaalada kale ay furmi doonaa ila dhamaadka August.

Bilowgii suuqaba waxaa jira heshiis dhacay, iyadoo kooxaha qaarna ay sacadaha soosocda ku dhawaaqi doonaan saxiixyo cusub.

1 July

Saxiixyada Premier League Ka dhacay

Manchester City:- City ayaa dhameystirtay saxiixa ciyaaryahanka reer Spain Nolito, kasoo muddo bartilmaameed xoogan u ahaa.

weeraryahanka 29-sano jir ah, ayaa ku qaatay seddex xilli ciyaareed kooxda Celta Vigo, waxa uu saxiixay heshiis afar sanno ah oo uu kooxda Manchester City ugu ciyaarayo,

Crystal Crystal Palace:- Waxay ku dhawaqeen saxiixa xiddiga garabka England iyo kooxda Newcastle United Andros Townsend,

Ciyaaryahankaan ayaa la rumeysan yahay in qiimihiisu ku kacay £ 13..8m, iyadoo hore bartilmaameed uu ugu ahaaa kooxaha Liverpool iyo West Ham

Newcastle :- Kooxda Horyaalka Heerka labaad ayaa dooneysa in ay is dhisto xagaagan, waxaana ay lasoo waregeen xiddigii Crystal Place weerarka kaga ciyaarayay ee Dwight Gayle,

Labada koox ayaa ku heshiiyay kala iibsiga ciyaaryahanka maanta oo uu suuqa uu furmay.

Waxaa lasugayaa in kooxo kale ay ku dhawaaqaan heshiisyo ilaa iyo maanta, madaama uu suuqa kala iibsiga furan yahay.

Kooxda Manchester United, ayaa la wada dhowrayaa saxiixyada labada ah ee Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan in ay ku dhawaaqdo.

Ibrahimovic, ayaa hore u cadeeyay in uu ku biiray kooxda Manchester United, iyadoo la sugayo kaliya in uu dhaco heshiiska labada dhinac.

Halka Henrikh Mkhitaryan, la rumeysan yahay in heshiiskiisa yahay mid dhaw, ilaa daqiiqada dambe ee maanta ayana lagu dhawaaqi karaa.

Sidookale dhanka Ingiriiska oo suuqiisa yahay midka ugu horeeya e furmay maanta, waxaa lasugayaa Arsenal, Liverpool Iyo Man City in ay heshiisyo ku dhawaaqaan.

qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News