Haqabtirenews.com
Guddoomiye Cirro oo Cisbitaalka Hargeysa Ku Soo Booqday Inj.Maxamed Xaashi oo Xaalad Caafimaad u Jiifa+SAWIRO
June 30, 2016 - Written by admin
">

Hargeysa(HTN):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo booqday Alle ha caafimaadiyee wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad caafimaad u jiifa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro),oo booqashadiisan ay ku wehelinaayeen xubno ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee xisbiga WADDANI, ayaa ugu horreyn Inj.Maxamed Xaashi ka xaal waraystay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu caafimaad deg dag ah uu siiyo, maadama uu yahay shakhsi qiimo weyn ku leh qaranka Somaliland, isaga oo sida oo kalena caafimaad taam ah Eebe uga baryey dhammaan ba umadda kale ee Islaamka ah ee xanuunsanaysa.

received_10209631988107208 received_10209631987827201

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa muddooyinkii dambe noqday siyaasiga kaliya ee inta badan sida aadka ah uga war haya soona booqda dadka danyarta ah iyo weliba kuwa kale ee xaaladda caafimaad u jiifa cisbitaalada iyo guryahoodaba, waxaana ay shacabka Somaliland ay inta badan ku tilmaamaan hoggaamiye naxariis badan oo si aada uga war haya dadka tabaaleysan iyo weliba kuwa kale ee xaaladdoodu caafimaad aanay caadiga ahayn ba.

Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
Latest News