Haqabtirenews.com
Zlatan Ibrahimovic Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Manchester United Isbuuca Danbe.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Zlatan Ibrahimovic ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Manchester United isbuuca danbe ka hor inta uusan wareegin Old Trafford sida ay ku warameyso Sky Sports.

Ibrahimovic oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ka dib markii Sweden ay ku soo hartay wareega group-yada Euro 2016 ayaa heshiis hal sanno ah u saxiixi doona Man United ka dib marka uu maro tijaabada caafimaad.

Heshiis shaqsi ah oo hal sanno ah ayay isla garteen ka hor tartanka Euro 2016 ka dib wadahadalo dhexmaray wakiilka Ibrahimovic, Mino Raiola iyo madaxa Man United Ed Woodward.

zlatan-ibrahimovic-manchester-united_3485882

Wadahadalada ayaa qaatay in ka badan intii la filayay, sidaasi darteed heshiiska lama dhameystiri karin ka hor inta uusan Euro 2016 bilaabanin.

Sky Sports ayaa fahamsan in United aysan filaneynin in wax dhibaato ah ay ka timaado tijaabadiisa caafimaadka, waxaana la sheegayaa in 34 jirkaan ay xaaladiisa jir ahaaneed tahay mid aad u sareysa.

Ibrahimovic ayaa markii labaad ka hoos ciyaari doona Mourinho iyagoo iskula soo shaqeeyay kooxda Inter Milan.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News