Haqabtirenews.com
WUU KA FIICAN YAHAY JOSE SNAKEINHO: Jamaahiirta Chelsea Oo Twitter Ku Sheegay Inay Hadda Barteen Antonio Conte.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

FBL-EURO-2016-MATCH43-ITA-ESPTaageereyaasha Chelsea ayey malaha waqti yar ku qaadatay inay bartaan tababaraha leylin doona xilli ciyaareedka soo aadan 2016 illaa 2017, laakiin waxay garwaaqsadeen inuu Antonio Conte yahay tababaraha ku habboon haatan.

Tababaraha xulka qaranka Italy ayaa la wareegi doona maamulka kooxda ka dhisan Stamford Bridge marka uu soo dhammaado tartanka Euro 2016.

Ka dib guushii 2-0 aheyd ee ay Azzurri ka gaartay Spain ciyaar ka dhacday caasimadda Faransiiska ee Pars, tababarihii hore ee Juventus ayaa degay quluubta jamaahiirta Blues mana sugi karaan haatan illaa dhammaadka European Championships.

Taatikada Conte ayaa sabab u aheyd inay Italy ka aarsato Spain isla markaana ay soo afjarto sideed sanno oo ay La Roja maamuleysay kubadda cagta Yurub, laakiin in ka badan inta uu soo jiitay taageereyaasha dalkiisa wuxuu soo jiitay taageereyaasha Chelsea.

Jamaahiirta Chelsea ayaa tilmaamay inay haatan heleen tababare u dhigma Jose Mourinho kaasoo laga raacdeeyey Chelsea bishii December ee sannadkii tegay ka dib markii uu kooxda ku hogaamiyey xilli ciyaareedkoodii biloow ahaan ugu xumaa ee England Premier League, laakiin iska iloow Special One, Chelsea waxay haatan heshay tababare u dhigma waana Conte.

LERE ayaa yiri: “Haha, Conte waa Jose Mourinho oo dhallinyaro ah”.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News