Haqabtirenews.com
Warbixin: Shax Xumada Roy Hodgson Iyo Tayo La’aanta Xidigaha Ingiriiska Oo Waxyaabihii Laga Bartay kulankii Ay England CEEBTA Xalay Ka Raacday Iceland.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Waxaa jira sadex waxyaabood oo dhib badan oo qofka taageera ingiriiska soo mara, waa geerida, canshuurta iyo daawashada England oo ciyaareysa tartan weyn

Labo sano ka hor waxaa ku dhacay mucjiso markii ay aadeenBrazil 2014, Roy Hodgson lugihiisana waxay xalay ku kala yimaadeen labo wado markii ay guuldaro 2-1 kala kulmeen Iceland.

Tani waxay aheyd gabagabada qaladaad dhacay, qaab ciyaareed kii ugu foosha xumaa laakin qasaaraha ugu weyn wuxuu ku dhacay calanka, xirfadleyaasha iyo taageerayaasha ingiriiska, dhamaan kuwii u safray France kama aysan soo bixin hamigii laga lahaa, waxayna si sahlan wada noqdeen faashiliin.

Halkaan ka arag waxyaabihii laga bartay bandhigii naxdinta lahaa ee ka dhacay Allianz Riviera:

1. Waayihii Hodgson Waxaa SOo Afjary Qorshe Ciyaareed Xumo

Macalinka England ayaa helay fursad kasto uu ku dilo shakigii laga qabay, waxaa la cafiyay labo sano ka hor markii ay ku soo fashilmeen koobkii aduunka, sheekada wey socotay, waxaa jiray horumar laga sheegayay da’yarta uu xulka ku soo daray, sabarakaas ayaana isku badalay sibir.

Hodgson ayaa ku amaanan inuu xulka ku soo daray Harry Kane, Dele Alli, Jamie Vardy, Ross Barkley aiyo kuwo kale oo badan laakin u istcimaalista ciyaartooyda meel ka baxsan booskooda, keenista shax aan anfacaad laheyd iyo soo xulasho xumo kooxeyd iyo waxyaabo kale oo aan qoraal lagula gaarin ayaa keenay iney ingiriiska oo dhamaan dhibichii isreebreebka soo uruursada ay xalay eersadeen gacmaha wiilasha jasiirada yar ee Iceland.

Hodsgon

Mid kamid ah weeraryahanadii ugu fiicnaa taariikhda wadankaasi, Wayne Rooney, ahna gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda xulka ingiriiska, ahna xidiga kaliya ee sadex euros oo kala duwan goolal ka dhaliyay ayaa ka ciyaarayay khadka dhexe, mid kaloo kamid ah weeraryahanada ugu fiican tartanka, Daniel Sturridge ayaa ka ciyaarayay garabka midig inkastoo uusan laheyn orod uu shaqo kaga qabto halkaas, Alli wuxuu ka ciyaaraa booska no.10 laakin tartankaan wuxuu ka bixi waayay ciyaarista no.8, ma jirin ciyaar lagu qancay oo ay soo bandhigeen, kubad isku baasan karin, malaheyn hal abuur iyo kubad dhex bixin, dhamaan eedana waxaa leh Roy Hodgson.

2. Ciyaartooy Badan Oo England Ah Amaanta Wey Uga Dartay

Joe Hart waa goolhaye aad u fiican laakin wuxuu masuul ka ahaa goolkii Gareth Bale iyo labadii xalay ;aga dhaliyay, waana sadex gool oo sameyn ku yeeshay xulkiisa, Harry Kane waa weerraryahan fiican laakin kaliya hal jeer ayuu intuu tartanka socday goolhaye dhibay iskabada gool uu dhaliyee, sidoo kale Gary Cahill, Rooney iyo kuwo kale masoo bandhigin khibradooda halka Alli uu ka bixi waayay bandhig u gaar ah, Barkley iyo Rashford ayaa iyagana daaliyay kursiga keydka inkastoo aysan iyagu taasi wax qalad ah ku laheyn.

Hart

3. Foora Gacanka (Tuushka) Oo Si Xooga Ah Loo Tuuro Waa Hub Culus

Rory Delap ayaa ku qabsaday Premier League shaqadaan laakin Aron Gunnarsson ayaa cadeyay intaasi ay sameyn ku leedahay xitaa heerka caalami, kadib markii uu gacan ka geystay goolkii ay ka dhaliyeen Hungary last week, he hadana halkaan wuu ku soo celiyay si uu ugu dilo England.

Aaron

Kadib kaliya 83 ilbiriqsi kadib goolkii Rooney, khadka dhexe ee Cardiff ayaa xoogiisa iyo xirfadiisa isugu geeyay si uu kubad ugu dhigo Kari Arnason, kaasoo kaliya ku taabtay shabaqa. daafacyada ingiriiska ayaa kala daatay waxayna u ogolaadeen Ragnar Sigurdsson inuu hogaanka u dhiibo ciyaarta.

Xirfad ciyaareed iyo maskax ayaa kuu qaada koobab.

4. Riyadii Iceland Wali Wey Socotaa

Alla maxay sheeko tahay, Iceland ayaa qolyaha qamaarka u sheegtay iney qasaaro kala hoydaan Euro 2016, laakin olalaha ay wadaan ayaa u muuqda mid wax uun kala imaan kara France.

England-V-Iceland

Ma jirin shax cad oo ay ciyaarayeen kulankii xalay laakin dhamaan 11 ka ciyaartooy ayaa ahaa 11 milyan oo qof (Inkastoo dadka wadankoda dhan ay yihiin wax ka yar nus milyan qofood, boqolkiiba 5 kamid ah wadanka ayaana xalay ku sugnaa garoonkii ciyaarta ay ka dhacday) dhamaan ciyaartooyda ayaana ah kuwa si fiican isku fahma iskuna leh aqoon aad u sareysa, waxay ciyaareen wax waliba waxayna mudan yihiin amaan.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News