Haqabtirenews.com
Shabakada Caalamiga Goal Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicneyd Wareega 16ka Euro 2016 – Ayaa Ku Soo Baxay?
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

England waa la ceebeystay, Spain waa laga yaabsaday halka Croatia cagaha dhulka loo dhigay laakiin ayay ahaayeen 11kii xiddig ee ka dhex muuqday wareega 16ka ee tartanka Euro 2016? Shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicneyd wareega 16ka.

Dhanka goolka waxaa ku soo baxay goolhayaha xulka Spain David de Gea, inkastoo xulkiisa laga badiyay hadana isaga ayaa sabab u ahaa in La Roja ay kaliya guuldarro 2-0 ka soo gaartay Italy, madaama Azzurri ay dhalin kareen goolal intaas aad uga badan.

Seddexda daafac danbe waa xiddiga Talyaaniga Giorgio Cheillini, kan Jarmalka Gerome Boateng iyo kabtanka xulka Wales Ashley Williams.

euro-2016-best-team-of-last-16_kdmjqpvtkgli1ilzrigwm7c3z

Burburiyayaasha khadka dhexe waxaa ku soo baxay xiddiga xulka Poland Krychowiak iyo da’ yarka xulka Portugal Renato Sanches iyadoo labada nin ay isaga horimaan doonaan wareega 8da Euro 2016.

Waxaa khadka dhexe dhameystiray xiddiga Jarmalka Julian Draxler oo wacdarro dhigay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Slovakia iyo Xherdan Shaqiri kaasoo u dadaalay xulkiisa Switzerland islamarkaana dhaliyay goolkii ugu qurxoonaa ilaa iyo haatan kulankii ay ku hareen.

Weerarka seddexda afka hore waxaa hogaaminaya Eden Hazard kaasoo Belgium gool u dhaliyay islamarkaana caawiye ka noqday gool kale wacdarihii lagu yaqiinay soo bandhigay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Hungary. Antoine Griezmann kaasoo dhaliyay labo gool kulankii ay kaga soo gudbeen xulka Republic of Ireland iyo Sighthorsson oo xalayto goolka guusha u dhaliyay xulka Iceland kulankii ay ceebeysteen England.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News