Haqabtirenews.com
Muxuu Tababaraha Italy Ka Yiri Guushii Taarikhiga Aheyd Ee Xulka Azzurri Ka Gaareen Spain Maanta?
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Antonio Conte ayaa cadeeyay in Italy aysan aheyn kaliya Catenaccio (Kubad difaacasho) ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen xulkii difaacanayay koobka Qaramada Yurub.

Xulka Azzurri ayaa ku dhanka taatikada ku guuleystay ka dib goolal ay dhaliyeen Giorgio Chiellini iyo Graziano Pelle, waxaana ay wareega 8da la ciyaarayaan xulka Jarmalka.

“Waan ogaa in wiilashaan in wax kale uu ku jiro oo ka baxsan waxyaabaha caadiga ah. Hore waan u sheegay laakiin in sidaan la yiraahdo waxa ay sahlan tahay ciyaarta ka dib.” ayuu tababaraha u sheegay Rai Sport.

Italy v Spain - Round of 16: UEFA Euro 2016

“Wiilasha waxa ay ahaayeen kuwa cajiib ah. Haatan waa inaan soo kabsano, madaama ay kulan kale oo adag ina sugeyso oo aan la ciyaareyno Germany, laakiin waxaan cadeynay in Italy aysan kaliya aheyn Catenaccio.

“Xavi ayaa ina siiyay amaantii ugu fiicneyd, madaama uu sheegay in Italy ay soo xusuusisay isku darka Barcelona iyo Atletico Madrid. Waxa ay cadeyneysaa dadka kubada ciyaara inay wax fahmayaan.”

Haatan ayaa wareega sideed dhamaadka waxa ay la ciyaareysaa Germany laakiin waxaa ganaax kaga maqan Thiago Motta.

“Waa wax laga xumaado Thiago Motta madaama uu ahaa ninkeena 12aad. Waa inaan diyaargarowno; waxa ay noqon doontaa kulan adag, xitaa ka adag kii maanta.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News