Haqabtirenews.com
Muuqaal+Sawiro: Xidigaha Wales Oo Si Layaab Leh Ugu Dabaal Degay Guuldaradii Xalay Ingiriiska Soo Gaartay.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xidigaha xulka Wales ayaa hawada galay markii tartanka Euros ka laga soo ciribtiray xulka ay sida weyn u xifaaltamaan ee England kuwaasoo ku haray gacmaha Iceland.

Arron Ramsey ayaa ahaa hogaamiyaha dabaal dageyaasha isagoo hawada galay markii uu yeeray seerigii ciyaarta lana xaqiijiyay in Iceland aay tikid degdeg ah oo laabasho ah ay u jartay xulkii sadexda libaax.

Ramsey (1)

Boodbood, xabad is gelin, isku hambalyeeyn iyo dabaal deg aan caadi aheyn ayaa ka dhex dhacay iyadoo la mooday iney iyaga garaaceen xulka ingiriiska oo maanta ku laaban doona magaalada London ee dalkooda hooyo si ay diirada u saaraan waajibaadka kooxahooda.

Wales-1

Xidigaha Wales ayaa si kulul ugu careysan guuldaradii 2-1 ka aheyd ee dariskooda ka soo gaaraty kulankii heerka guruubyada waxayna si kasto u muujiyeen farxada ay u qabaan in dariskooda uu xili hore guryahooda hagaagsanayo,

Wales-2

Waxaan idin ka raali gelineynaa in sawirada aysan aheyn kuwo aad u muuqda maadaama laga qaaday muuqaalka ee aysan aheyn sawiro caadi loo qabtay.

Halkaan ka daawo muuqaalka

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News