Haqabtirenews.com
Maqaal: Messi Ma Aha Dhibaatada Ee Messi Waa Xalka Halka Argentina Ay U Baahan Tahay Aasaas Cusub Oo Uu Isaga Hogaaminayo.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Malaha halakii uu sheegay kadib guuldaradii Chile ma aha mid uu ka fiirsaday laakin waa hubaal iney jiraan waxyaabo uu ka cabanayo, waa xaqiiq in xulka Argentina uusan Messi u aheyn sida kooxda Barcelona, maxaase sabab u ah midaas ? waxaan maqaalkaan ku eegeen in Messi yahay xalka ee uusan aheyn dhibaatada iyo faqriga u dhexeeya Messi-ga Barcelona iyo kan xulka qaranka.

In badan kama war hayaan in waayaha ciyaareed ee Messi ee xulka qaranka uu ku bilowday fool xumo, rabash uu geystay iyo in ciyaarta laga saaray oo loo taagay caalamad casaan ah kaliya 47 ilbiriqsi markii uu ciyaarta ku jiray (Ma aha 47 daqiiqo ee waa seconds) kulan ay 2005 tii la ciyaareen xulka Hungary, mana aha mid qurux badna inuu xulka kaga fariisto xumaan kale iyo xili uu isaga xulkiisa ka qasaariyay darbo ka saacidi laheyd hanashada koob weyn.

Messi red

Waa rajada kaliya ee kubada cagta Argentine, waana hamiga kaliya ee ay koob ugu guuleysan karaan, wuxuu xulkisa gaarsiiyay sadex final sadexdii sano ee lasoo dhaafay laakin midna ma uusan u ciyaarin sidii looga bartay marka uu final u ciyaarayoo Barcelona, koobkii aduunka waxaa ka qaaday Germany halka labo Copa America ay ka duubatay Chile, wuu shaqeeyay sadexdii final ba laakin wuxuu marwaliba tabayay caawinaad.

Waxaa macquul ah inaad isweydiiso, wuxuu heystaa Di Maria, Higuain, Kun Aguero iyo Mascherano oo kamid ah xidigaha ugu fiican boosaskooda aduunka ee maxaa u diiday koob ? Waa sax hadalkaas, ee bal adna is weydii Neymar wuxuu Barcelona ku heystaa Messi, Suarez iyo Iniesta laakin marnaba ugama dhex muuqdo Barca sida uu ugu raaxeysto xulkiisa waa maxaya sababta ?

Barcelona waa koox ku dhisan sida uu Messi rabo, waxaa loo yeelo hadal kasto uu dhaho iyadoo looga aaminsan yahay hogaamiyaha saxda ah e kooxda iyo agaasimaha ciyaar waliba oo ay ciyaaranaa laakin Argentina isaga ayaa looga baahan yahay inuu u soo shaqeeyo Higuain oo kamid ah weeraryahadan ugu fiican aduunka laakin aanan nasiib u laheyn inuu gool ka dhaliyo tartan weyn oo final ah (Xusuusi tii Germany ee isaga iyo Nuer, iyo labo jeer uu ula tagay Bravo labadii final ee labadii sano ee xigtay, halka Aguero uusan la qabsan karin kubada dabacsan ee Leo ama tan xawaaraha ku socota ee Di Maria ) sidoo kale Di Maria oo ah xidiga labaad ee ugu fiican xulkaasi kadib Messi ayaa dhaawacma final kasta.

Fursadii uu qsaariyay kulankii Germany

Fursadii uu qsaariyay kulankii Germany

Tii Copa America finalkiisii 2015

Tii Copa America finalkiisii 2015

tii habeen hore

tii habeen hore

Hadii aag ku guuleysato koob iyo hadii kale, waxa ugi horeeya ee looga mahad naqo ayaa ah inaad heysato nidaam ku haboon ciyaartooydaada, Argentina waxaa ka habaabay nidaam sax ah iyo ciyaartooy sax ah oo aysan isku helin, wax waliba ayaana noqday kuwo ku xiran Messi iyo Di Maria.

Messi

Messi ayaa u muuqda agoon albaab lagu oowday oo an heysan cid u garaabta, laakin beri, saadanbe ama maalin kale wuxuu ku soo kici doona isagoo leh hami, ka fakaraya horumarinta tayadiisa, ku raaxeysanaya maaliyada no.10 naad laakin waxa taas ka horeeya ayaa ah in wadankiisa uu u dhago nuglaado si isna loogu dhago jilcanaado.

Wuxuu jamaahiirta xulkiisa si aan ganbashi laheyn ugu yiri “F**k hadii eedan ogeyn inaan labo sano oo xiriir ah aan idin keenay final” iyadoo la ogyahay in ninkaan aan looga jecleyn wadankiisa si lamid ah Barca maadaama uu yahay nin aan dadka soo dhex galin, booqan dalkiisa hooyo aqoon buuxdana u laheyn magaaladii uu ku dhashay ee Rosario,

Isku Soo duub, Argentina ayaa u baahan iney kubadeeda la raadiso sida uu jecel yahay Messi halka Messi uu u baahan yahay inuu wadankiisa u dabacsanadaado, guul kastoo la gaarana waxaa ka horeeya guuldarooyin, aragtidaan waxaan kasoo qaadanay shabada Marca oo kasoo baxda Madrid.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News