Haqabtirenews.com
LIVE SUUQA & SAAKA: Alvaro Morata Oo Doortay Chelsea – Christian Benteke Oo Ka Tagaya Liverpool – Heshiiska Man Utd Iyo Henrikh Mkhitaryan – Sheekooyinka Arsenal, Liverpool Iyo Man City.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kullan wacan oo wanaagsan, Dhamaan Aqristayaasha shabakadda Laaacibiin.com, meelkasta oo aad joogtaan kusoo dhawaada sheekooyinka suuqa kala iibsiga iyo wararka wargeysyada ugu waweynaa subaxnimadaan.

DAILY TELEGRAPH

Chelsea ayaa weli ceyrsaneysa saxiixa Alvaro Morata inkastoo £ 23m ay dib ugu iibsatay kooxda Real Madrid oo dooneysa lacago badan in ay kusii iibiyaan.

EXPRESS

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsan doonto dalab kale in ay ka gudbiso xiddiga khadka dhexe kooxda Radja Nainggolan.

Ronald Koeman waxaa lagu soo waramayaa in uu isha ku hayo goolhaye Maarten Stekelenburg mar kale inuu usoo dhaqaajiyo kooxda Everton.

Christian Benteke ayaa diyaar u ah inuu ka tago kooxdiisa Liverpool, kadib Euro 2016, madaama uu ka waayay boos joogta ah.

THE SUN

Middlesbrough ayaa qarka u saaran inay dhameystirto heshiis £12 milyan ah oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Holland Marten de Roon.

Crystal Palace ayaa  £32 milyan dalab ka gudbisay Michy Batshuayi oo ka tirsan kooxda Marseilles, sida ay sheegayaan wararka.

Henrikh Mkhitaryan ayaa diyaar wuxuu u yahay inuu ugu biiro Manchester United £ 26m,

DAILY MAIL

Belgium ninka katirsan ee Eden Hazard, waxa uu la mid yahay Gareth Bale,sida uu sheegay Toby Alderweireld ka hor kulanka Wales ay wajahayaaan Euro 2016.

Fulham ayaa ku biirtay dagaalka loogu jiro saxiixa weeraryahanka £ 11m lagu qiimeeyo ee kooxda Crystal Palace Dwight Gayle.

THE SUN

Weeraryahanka Argentina Sergio Aguero ayaa la filayaa inuu raco wadadii Lionel Messi uu kaga fariistay ciyaaraha caalamiga.

Brendan Rodgers ayaa diiday fursad uu kula wareegi karay Sadio Mane markii uu ahaa tababaraha kooxda Liverpool laba sano ka hor.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News