Haqabtirenews.com
Kooxda Sevilla Oo Tababaraheeda cusub U Magacawday Jorge Sampaoli.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

kooxda Sevilla ayaa ku dhawaaqday in ay u magacawday tababaraha cusub ee naadiga macalinkii hore ee xulka Chile Jorge Sampaoli.

macalinka reer Argentina oo ku hogaamiyay wadanka Chile  Copa America  sanadkii la soo dhaafay, ayaa lagu bedelayaa tababare Unai Emery kaasi oo ka dhaqaaqay kooxda La Liga ka ciyaarta.

Sampaoli ayaa qalinka ugu duugay heshiis labo sanno ah  kooxda Andalucian, kuwaas oo  ciyaari doona xili ciyaareedka soo socda koobka Champions League ka dib markii ay ku guuleysatay Europa League .

Cl--RdlWMAA_7wn

tababaraha cusub waxay u noqon doontaa markii ugu horeeysay ee uu macalin ka noqdo Europe, isagoo hore ugu suurtagashay in uu hogaamiyo xulalka Peru, Ecuador iyo Chile.

Emery oo laga ceyriyey kooxda Sevilla dhamaadka xilli ciyaareedkii hore, ayaa la rajeynayaa in uu qabto kooxda ka dhisan dalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ka dib bixitaankii macalin Laurent Blanc.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News