Haqabtirenews.com
Italy Oo Wajaheysa Germany Ka Dib Markii Ay Caawa Ka Soo Takhaluseen Xulka Spain & Waqtiga La Ciyaarayo.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xulka Talyaaniga ayaa iska xaadiriyay wareega 8da ee Euro 2016 ka dib markii ay meesha ka saareen xulka Spain iyagoo 2-0 ku garaacay xulkii difaacanayay koobkaan ee La Roja.

Goolal ay dhaliyeen Chiellini iyo Pelle ayaa ugu filnaa Italy inay kaga talaabsato xulka Spain iyagoo wareega 8da ku balansan xulka Jarmalka.

Jarmalka ayaa xalayto si raaxo leh kaga soo gudbay xulka Slovakia iyagoo 3-0 ku soo dubtay, waxaana ay haatan wajihi doonaan xulka Azzurri oo kalsooni badan qaba ka dib guushii weyneyd ee ay ka gaareen xulka Spain.

Cl-cMKDWAAABmQL

Kulanka Wareega sideeda ee u dhaxeeya Germany iyo Italy ayaa waxa uu ka dhici doonaa garoonkaMatmut Atlantique ee magaalada Bordeaux, maalinta sabtida ee 2da bisha Luuliyo saacada Geeska Afrika marka ay tahay 10ka habeenimo

Kulamada Wareega 8da Ee Euro 2016:

Khamiis – Poland v Portugal – 10ka habeenimo

Jimce – Wales v Belgium – 10ka habeenimo

Sabti – Germany v Italy – 10ka habeenimo

Axad – France v England ama Iceland – 10ka habeenimo

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News