Haqabtirenews.com
Halyeey Ka Halyeey: Diego Maradona Oo Isku Dayaya Inuu Lionel Messi Ku Soo Celiyo Xulka Argentina.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Diego Armando Maradona ayaa difaacay Lionel Messi ka dib markii xiddiga Barcelona uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ee xulka Argentina markii xulkiisa sannadkii labaad oo isku xigta ay Copa America ka qaaday xulka Chile.

Macalinkii hore ee Argentina ayaana ka warqaba in 29 jirkaan uu dareemay kelinimo, waxaana uu sheegay inuu la hadli doono si uu isagu dayo inuu dib uga fiirsado go’aankiisa.

“Messi waa inuu u sii ciyaaro xulka qaranka sababtoo ah wax badan ayuu xulka ku soo kordhin karaa, waxaana uu aadi karaa Russia isagoo noqon kara xiddig hanta Koobka Adduunka” ayuu halyeeyga Argentina u sheegay La Nacion.

1467101857_548467_1467101908_noticia_normal

Si kastaba, Maradona ayaa ka hadlay taageerada ka dhaxeysa Messi iyo asxaabtiisa xulka qaranka.

“Waa inuu ku tiirsanaadaa raga ka caawin kara inay xulka hore u dhaqaajiyaan oo uusan ku tiirsanaanin kuwa dhahaya waa inuu baxo. Meelba iska dhig kuwa iyaga u diiday inuu ooyo. Mana ciyaarayaan mana u ogolaanayaan inuu murugoodo. Sababtoo ah kuwa dhahaya waa inuu Messi baxo waa kuwa aan dooneynin in la arko musiibada ka jirta kubada cagta Argentina.”

El Pelusa ayaa ka qoomameeyay in Messi la cidleeyay islamarkaana uu isagu u dagaalami doono.

“Waa ay cidleeyeen Messi, mana doonayo inaan arko isagoo cidlo ah. Sababtaas darteed waxaan doonayaa inaan la hadlo, inaan la dagaalamo kuwii cidleeyay.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News