Haqabtirenews.com
Gudoomiyaha Xisbiga Mu Caaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Ciro Oo Shacabka Reer Soomaliland Iyo Reer Gabilay Ka Tacsideeyay Geeridii Macalim Cabdi Asker Abokor.
June 28, 2016 - Written by admin
">

Dubai(HTN) Gudoomiyaha Golaha Waiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro),ayaa dhambaal tacsi ah u direy qoyski,ehelkii,qaraabadii iyo Shacbiga Reer Gabiley iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland Geerida kutimid Marxuum Macalim Cabdi Aser Abokor oo kamid ahaa Macalimiintii Ruug cadaaga ahaa ee Somaliland, Magac Weyn kulahaa Bulshada Somaliland in badana wax soo barey islamaraaana, kamid ahaa odoyaasha Waaweyn ee kasoo Jeeda Gobolka Gabiley.Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),oo fariinta tacsida ah kasoo gudbiyay Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta waxa uu ilaahay uga baryey Marxuumka in uu janadii Fardawsa ka waraabiyo Qoyskii,Qaraabadii,ehelkii iyo Guud ahaanba Shacbiga Somaliland gaar ahaana Shacabka Reer

Gabileyna samir iyo iimaan kasiiyo,waxaanu Gudoomiyuhu Xusey in Marxuum Macalim Cabdi Asker Abokor macalim usoo ahaa rag badan ooMagac ku leh Somaliland, oo Mujaahd Jidhif iyo kamid yihiin dad badan oo caan ah isagoo carabka ku dhuftey in uu aad uga xun yahey maadama uu dalka ka maqan yahey haseyeeshee, uu Marxuumka Macalimkaasi Cabdi Asker aaskiisa ka qeyb gai lahaa taas, oo uu kaga cudurdaartey kamaqnaanshaha uu dalka ka maqan yahey.

Marxuum Macalim Cabdi Asker Abokor waxa tacsi taa lamid ah udiraya Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka oo kamid ah Masuulyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan CabdiraxmaanSuldaan Mawliid Ibraahim Cali Sabeyse, Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen Dhagweyne,Mujaahid Axmed Mire Maxamed,Suldaan Shariif Batuun.

 

Ilaahay naxaristii jano haka waraabiyo Marxuum Cabdi Asker Abokor waxa uu mudo badan ilaa sanadkii 1954kii Macalim kasoo ahaa GabileyCamuud-Boorame, Hargeysa iyo meelo badan oo kamid ah Dugsiyadii sare ee dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey, Waxa kae oo uu Macalim kasoo noqdey Wadanka Yemen ,waxaanu kamid ahaa Xubnihii ugu mudakarsanaa Golihii hore ee Deegaanka Degmada Gabiley.

COMMENTS
Latest News