Haqabtirenews.com
France v ICELAND, Germany v Italy – Isku Aadka Wareega 8da Euro 2016 Oo Dhameystiran Iyo Waqtiga La Ciyaarayo.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Waxaa soo dhamaaday caawa kulamadii wareega 16ka kooxood ee tartanka Euro 2016 iyadoo sideed kooxood ay haatan isagu soo hareen u tartanka koobka Qaramada Yurub ee sannadkan lagu qabanayo dalka Faransiiska xilli ICELAND ay taariikh dhigtay iyagoo tartanka ka reebay xulka England.

Wareega sideed dhamaadka waxa uu bilaabanayaa habeenka khamiista ee 30ka bisha Juun iyadoo xulalka Portugal iyo Poland ay isku arki doonaan garoonka Stade Vélodrome ee magaalada Marseille. Waxaana uu sii socon doonaa ilaa iyo maalinta axada iyadoo maalin walba kulan la ciyaarayo weliba marka ay saacada geeska Afrika tahay 10ka habeenimo.

Habeenka Jimcaha 1da bisha July waxaa isku balansan xulalka Wales iyo Belgium iyagoo isaga horimaanaya garoona Stade Pierre-Mauroy ee magaalada Lille. Habeenka sabtida ee 2da bisha July waxaa dhacaya kulanka la wada sugayo ee Germany iyo Italy iyagoo ku balansan garoonka Matmut Atlantique ee magaalda Bordeaux. Sidoo kale kulan adag ayaa lagu soo afmeerayaa wareega 8da iyadoo France iyo Iceland ay habeenka axada ku ciyaari doonaan Stade de France ee magaalada Paris.

1445260-30902043-2560-1440

Waxaa xiiso leh in semi-finalka ay sidoo kale kulamo adag ka soo bixi doonaan, xulkii soo badiya Portugal iyo Poland ayaa 6da bisha July waxa ay la ciyaari doonaan semi-finalka xulkiisa soo badiya Wales iyo Belgium.

Kulanka kale ee semi-finalka waxa uu 7da bisha July u dhaxeyn doonaa xulkii soo badiya Germany iyo Italy iyo weliba xulkiisa soo badiya France iyo Iceland.

Cl_SkRKWEAUIzbG

Kulamada Wareega 8da Ee Euro 2016:

Khamiis – Poland v Portugal – 10ka habeenimo

Jimce – Wales v Belgium – 10ka habeenimo

Sabti – Germany v Italy – 10ka habeenimo

Axad – France v Iceland – 10ka habeenimo

Kulamada Semi-finalka Euro 2016:

Arbaco – 6da bisha July

Poland/Portugal v Wales/Belgium

Khamiis – 7da bisha July

Germany/Italy v France/Iceland

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News