Haqabtirenews.com
Dani Alves oo shaaciyay lambarka uu u xiran doono Juventus iyo sababta uu ku doortay (SAWIRRO)
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

 Daafaca dhawaantaan ku biiray kooxda Juventus ee Dani Alves ayaa durbaba shaaca ka qaaday lambarka uu xiran doono.

Dani Alves ayaa sheegay inuu doortay lambarka 23 isaga oo ku sharfaya laacibka dalka maraykanka ee caanka ku ah Basketball-ka ee lagu magacaabo Lebron James.

Alves ayaa qalinka ugu duugay kooxda Juventus heshiis laba sano ah oo uu ku darsan karo sanad 3-aad kadib markii uu ka soo dhaqaaqay Barcelona xaggaagan.

“Waxaan xiran doonaa lambarka 23 aniga oo ku sharfaya Lebron James iyo ciyaartoyda isaga lamidka ah ee garanaya sida loo hormariyo naftooda” ayuu yiri Dani Alves oo haatan wada shir jaraa’id.

“Juventus waa koox wayn oo leh taariik wayn, waa koox u tartamaysa dhamaan koobabka maxaliga ah” ayuu sii raaciyay daafaca reer Brazil.

“Sanado badan oo cajiib ah ayaan ku soo qaatay Juventus, waxaan u mahadcelinayaa qof walba oo suurogalisay arinkaas”.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News