Haqabtirenews.com
Cristiano Ronaldo Oo U Calool Jileecay Cadawgiisa Kubada Cagta Ee Lionel Messi .Muxuu Ku Yidhi Tollow.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kabtanka xulka qaranka Portugal iyo xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu ka xunyahay go,aanka uu qaatay xiddiga ay xafiiltamaan ee kooxda Barcelona Lionel Messi ka dib markii go’aansaday in uu ka fadhiisat ciyaaraha caalamiga ah kadib  guuldaradii copa America ee ka soo gaadhay xulka Chile.

Cristiano ayaa yiri: “Messi waxa uu qaatay Go,aan aad u adag laakiin waa in ay taageerayaashu fahmaan messi lama uu qabsan guuladarada iyo niyad jabka iyo in uu kaalinta labaad galo”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “in aad rigoore khasaarisid kaama dhigayso ciyaaryahan xun waan ka xumahay in aan Arko Messi oo sidaa u ooyaya waxaan rajaynayaa in uu dib uga laabto go,aankiisa kuna noqdo xulka qarankiisa maxaa yeelay qarankiisa ayaa u baahan”.

Messi ayaa ku dhawaaqay subaxdii Isniintii in uu isaga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kadib guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah ee xulka qarankiis ku guuldaraysto finalka Copa America.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News