Haqabtirenews.com
Argentina Oo Dalbatay In Hadiyad La Yaab Leh Loo Keeno Leo Messi Si Uu Xulka Ugu Sii Ciyaaro – Muwaadin Illaa Madaxweynaha Argentina Oo Ka Hadlay Go’aankiisa.
June 28, 2016 - Written by Sports Staff
">

TwitterLionel Messi ayaa ka yaabiyey taageereyaasha kubadda cagta adduunka ka dib markii xulkiisa Argentina laga qaaday finalkii Copa America ee ay ku wajaheen dalka Chile wuxuuna ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, si kastaba ha ahaatee, taageereyaasha dalkiisa Argentina ayaa jawaabay go’aankiisa inay bilaabaan olole uga codsanayaan Messi inuu xulka usii ciyaaro.

Isla taageereyaashaas u dhashay dalka Argentina ayaase dalbanaya in tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone lagu bedelo macalinka haatan Tata Martino isla markaana uu wiilasha La Albiceleste u hogaamiyo Koobka Adduunka ee sannadka 2018ka lagu qaban doono dalka Russia.

Twitter ayeyna ka sameysteen Hashtags lagu soo bandhigo fikradahooda, kuwaasoo marka loo dhigo Afka Isbaanisha noqonaya #NoteVayasLio iyo #QuedateMessi isla markaana kumanaan codsi oo lagu dalbanayo inuu Messi usii ciyaaro Argentina lagu soo bandhigayo. Marka lagu turjumo afkeenna Soomaaliga waxay aragtidooda kusoo hagaajinayaan #HaTeginLeo, #HaTeginLio iyo #JoogMessi – laakiin sidoo kale aragti ahaan waxay qabaan in xiddigaani uu ku habboon yahay inuu ka hoos shaqeeyo tababare El Cholo.

Simeone ayaa qandaraas illaa 2020ka ah kula jira kooxdiisa Atletico Madrid, laakiin taasi kama horjoogsan taageereyaasha dalka uu kasoo jeedo ee Argentina inay rajeeyaan inuu qaban doono xulka qaranka.

Messi ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii uu 113 kulan u ciyaaray qarankiisa, gooldhaliye Sergio Aguero ayaana soo jeediyey in laga yaabo inay wadadii xiddiga Barcelona maraan ciyaartooy kale oo uu qudhiisu ku jiro maalmaha ama Isbuucyada soo aadan.

Taasi waxay keentay inuu hadlo halyeeyga qarankaan Argentina Diego Maradona kaasoo Messi ugu baaqay inuu ka laabto go’aankaas uu gaaray, wuxuuna u sheegay La Nacion: “Messi waa inuu usii ciyaaraa xulka qaranka.

“Wuxuu aadi karaa Russia isagoo ku jira qaab ciyaareed wanaagsan wuxuuna halkaas kusoo qaadi karaa Koobka Adduunka. Waa inuu isku halleeyaa wiilasha xulka qaranka kuwaasoo Argentina ka caawin kara inay horay usii socoto. Waan cambaareynayaa dadka dhahaya wuu ku saxnaa inuu xulka faarujiyo sababtoo ah taasi waxay musiibo ku tahay kubadda cagta Argentina.”

Intaas oo keliya ma ahan ee madaxweynaha dalka Argentina Mauricio Macri ayaa si shaqsi ah xiriir ula sameeyey Lionel Messi isagoo isku deyaya inuu xiddiga Barcelona ka dhaadhiciyo in uusan ka fariisan ciyaaraha heerka qaran.

Afhayeen u hadlay xafiiska madaxweynaha Argentina ayaa u sheegay AFP: “Macri wuxuu wacay Messi wuxuuna u sheegay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedkii xulku ay kusoo bandhigeen Copa America 2016 wuxuuna weydiistay in uusan dhegeysan dadka dhaleeceynaya isla markaana uu usii ciyaaro xulka qaranka”.

Waxaa xusid mudan inuu madaxweyne Marci bartiisa Twitter soo dhigay farriin uu ku taageerayo Messi, taasoo u dhigneyd: “Marnaba ma dareemin inay xulku sidaan si ka wanaagsan abid u ciyaari lahaayeen. Waxaan rajeynayaa inaan arko farxaddeena oo caalamka kubadda cagta kasii soconeysa sannado badan. #NoTeVayasLio.”

Qorre: maxamed jeestoTwitter-768x486

COMMENTS
Latest News