Haqabtirenews.com
Qiimaha ducada ee bisha Ramadaan !. WQ- Dr-Abdulqani Beder
June 26, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

Cilmiga la yidhaahdo “Cilmu tanaasub” ee ka hadla isku xidhnaanshaha suuradaha iyo aayadaha quraanku, waa cilmi la yaab leh oo ay aad u yar yihiin culimada ka hadashaa, aqoonta cilmigaasi loo leeyahayna waa mid aan weli si fiican u faafin.

Haddaad se wax yar dhug u yeelato cilmigaas, ka dibna u fiirfiirsato hab dhaca quraanka, sida suuraduhu isugu munaasibka yihiin, sida qisasku isugu xidhan yihiin iyo sida aayaduhu meel-dhac iyo macna ahaanba isula jaan qaadayaan iyo guud ahaan sida intaasiba isu dhammeystirayso, waxa aad ku raaxaysan doontaa xikmadaha layaabka leh ee kitaabka Alle ku duugan.

Aayadaha suuratal Baqarah ee 183-187 waxay ka hadlayaan Soonka iyo axkaamtiisa, aayadda 186aad in kastoo ay aayadahaas Soonka ku dhex jirto, haddana waxay ka hadlaysaa mawduuc ka gedisan soonka, waxay ka hadlaysaa ducada, munaasibadda halkan loo soo dhex geliyey feker badan dabadii waxaan ku soo ururiyey laba arimood:
1- Ahmiyadda ay ducadu leedahay bisha Ramadaan dhexdeeda oo la muujinayo.
2- Ujeedada Soonka loo jideeyey waxa ugu horreeya in qofka soomani kasbado Alle ka-cabsi, Alle ka-cabsigana waxa aasaas u ah caqiido saxan, aayadduna waxay caddeynaysaa jaanib ka mid ah tawxiidka, oo ah keliyeysiga Alle kelida ku yahay xaqa baryada, iyadoon cidna loo sii marin.
Ducadu waa cibaadooyinka Ilaahay loogu dhowaado kuwa ugu fadliga badan, Nebiga SCW waxa ka sugnaatay “Ducadu iyadaa cibaado ah”.
“الدعاء هو العبادة”
Alle waa jecel yahay addoonka baryada badan, ee had iyo jeer ducaysta, halka dadku ay qofka ku nacaan baryada badan, waaba kuwa ku maahmaaha: “Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa”
Bayt carabi ah baa arintan tusmeeyey oo yidhi:
الله يغضب إن تركت سؤاله **** وبُنيّ آدم حين يُسأل يغضب.

Ducadu waa mid ka mid ah waxyaalaha muujiya kelinimada iyo jiritaanka Ilaahay
“أمن يجيب المضطر إذا دعاءه ويكشف السوء ويجعلكم خلفاء الأرض، ءإله مع الله، قليلاً ما تذكّرون” النمل- ٦٢.
Ducadu waa shay fidri ah, oo aadanaha iskaga abuuran, mulxidka aan Ilaahay rumaysnayn, ka mushrigga ah iyo ka gaalka ahiba marka ay xaalad halis ah la kulmaan si doonistooda ka baxsan ayuu dareenkoodu ilaahay keligii u jeestaa oo uu baryaa, waa tajaarib sugan oo dhacdooyin aan tiro lahayn laga hayo.
Waa macnaha ay aayadani tilmaamayso:

“وإذا مسّكم الضرّ في البحر ضلّ من تدعون إلّا ايّاه، فلما نجّاكم الى البرّ أعرضّتم وكان الانسان كفوراً” الإسراء: ٦٧.
(Haddii badda dhibi idinku qabsato, waxaad ilowdaan cidkasta oo kale Alle mooyaane, markuu idin soo badbaadiyo ee aad barriga timaaddaan waad jeesataan, Insaanku waa mid gaalnimo badan).

Ducadu waa furaha khayrka oo dhan, iyadaa caafimaadka lagu raadsadaa, iyadaa nasriga iyo guusha lagu xosladaa, iyadaa deeqaha Ilaahay lagu helaa, iyadaa xidhiidhkaaga Alle lagu xoojiyaa, ducadu waa astaanta qofka muslimka ah.
Qofku hadduu ducada ka tago waa laba khasaaray midkood:
1- Mid ducada ka daalay, ka dibna quustay, ducadiina sidaa kaga tegey.
2- Mid baryada iska wayneeyey, oo kibir uga tegay.

Ducadu waa waranka dhugta badan ee ka la dulmiyey aanu marna ka maarmi karin.
Imaamu shaafici ayaa isagoo arintaas tilmaamaya yidhi:
أتهزء بالدعاء وتزدريه *** وما تدري بما فعل الدعاء
سهام الليل لا تخطئ ولكن *** لها أمد وللأمد انقضاء
Walaalayaal aynu ku dadaallo ducada, aynu ilaahay waydiisano wanaag oo dhan, mid adduunyo iyo mid aakhiro, aynu ka magan gallo shar oo dhan mid hore iyo mid danbeba.

Ogsoonow ducada la aqbalay waa sadex nooc:
1- In markaad ducaysato Alle kaa aqbalo oo aad raadkii ducada aragto.
2- In Allaah ducada kaa aqbalay, hase yeeshee dhibta ku haysata ama khayrka aad codsanaysay wax aan ahayn laguu geliyo, sida in dhib kugu soo socotay lagaaga xijaabo ama khayr kale lagugu siiyo.
3- In Alle kaa aqbalo, hase yeeshee aanad raadkeeda markiiba arag ee aakhiro ajarkeeda laguugu kaydiyo dibna laguugu dhigo.

Ka fogow waxyaalaha ducada lagu celiyo, ducadaada la raadso wakhtiyada ducada la aqbalo, xaaladaha lagu aqbalo, aadaabta ducadana baro.
Ha ka daalin ducada, hana quusan, Ilaahayna bari adigoo ku kalsoon in lagaa aqbalayo.
Ilaahay ducadeena ha aqbalo, denbigeena ha dhaafo, caafimaad taam ah iyo camal toosan hayna siiyo, khayr dhammaantiina hayna waafajiyo maalmahan barakaysan ee Ramadaan.

Aamiin ya Allaah.

Ku mahadsanid inaad qof aad khayr la jeceshahay gaadhsiisay.

COMMENTS
Latest News