Haqabtirenews.com
Taarikhda 26 June Iyo Dhacdooyinki Midnimo Doonka Aha. WQ- Abdi Salaan Mahdi Cirro
June 25, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

Waxan salamaya shacabka Somaliland kuna salamaya salaanta islaamka sido kale waxa an layeehay hanbalyo  56  guuradi kaso wareegtay maalinti xornimada ka qaaten gumaystihi INGRISKA. Intaas kadib An ku bilaabo taarikh kooban kana hadlaysa 26 june.

26 june waxa loo so galay halgan lagu naf wayay oo gumaystihi lala galay sido kale waxa jiray hub kale oo lagula dagalami jiray gumaystihi kaaso aha gabayada. 4 cisho oo ay jirtay Somaliland waxa aqoonsana in kabadan 30 dal oo ay ugu horeeyen England, USA iyo France, afarta canamaal kadib 1 julay 1960 waxa ay Somaliland si bila shurud ah ugu biirtay Somali konfured oo waaga xornimadedi ka qadatay ITALY

Halakasayna ku hadhay taarikhidi halganka rubuc qarniga ka badan loso galay, iyado lagu badalay argti hormarineed oo ahayed midnima lugu midho dhali. Inkastooy argatidasi wada qaben shacbiwaynaha gobalada waqooyi  hadana ugu may midho dhalin siday raben. In kabadan 30 sano ay dawlad iyo dagalba ku jiren gobalada waqooyi waxa ay madax banaanidodi la so noqdeen 18 may 1991. Intaas kadib hadi an ku noqodo dhacdooyinki midnimo doonka  aha iyo jibooyinkodi

Intii lagu gudo jiray 4-tii cisho ayaa waxa dhacday in shicibki reer hargesia ay so hor istaagen barlamanka iyako sita budhadh, mindiyo  iyo seefo iyako ujeedodu ahyed kuna dhawaqayi ( Hadanu maqli wayno waa laysku daray Soomaali nimanka barlamnka ku jira haday so baxan wanu gawracayna ) nimankasu uu kamid aha  Cumar Carte Qaalib sido kalen hadlkan an kaso xigtay mar uu ka markhati kacayi jibadi midnimo doonka

sido kale waxa dhacdooyinkas ka mid ahyeed doorashadi  feb 1960 ay galeen sadaxdi xisbi ee wagaas ka jiray G/ Waqooyi  iyo sidii logu kala doortay,  3da xisbi oo mid ka midaysna mudadana ku kala duwana ayaa waxa la doortay aqlabiydana helay xisbigi SNL uu hogaaminayi   Maxamed X Ibraahim Cigaal

hadi an uso dhaadhaco waxay ka midaysnayen iyo mudada ay kukala duwanayeen xisbiyadasi waxa ay ahyed.

3da xisbi waxa ay kala ahayen SNL uu Cigaal hogaaminayo,  NUF uu Micheal Mariamo hogaaminayo  iyo

USP uu madax u aha Cali Garaad Jamaac, sadaxda xisbina waxa ay ka midaysanayeen Midnimada lakinse mudada lala midoobayo Somalia konfured  ayeey ku kala duwanayeen ugu horayen

NUF ayaa ugu mudo dheera waxa una Micheal Marimo aminsana oo olaloha doorashada ku galay in INGIRISKU sii joogi doono wadanka mudo 10 sano lagana baran doono habka maamul iyo hannanka dawladnimo 10 sano kadibna waa marku sandku yahay 1970 lala midoobo Muqdisho ama Somalia

Sido kale waxa uu so jeediyay 10 sanadod ee INGRISKU ina tababarayo  in aynu u dagalano si diblomaasi ah in dhulka hawad iyo reserve area so jeedinta shacabki jibaysna waxa ay ugu jawaben micheal

– Maska daba socdiyo

– Maykal iska eeg

Xisbigi  USP uu Hogaminayi  Cali Garaad Jamaac ayaa ugu so fikir dhawa xisbigi NUF, Garaad waxa u soo jediyay in Somaliland xoriyaddeda lix bilod ay haysato oo anay ku degdegin in somaliya lagu darsado

Sido kale shacabki waxay Garaad ku yidhahdeen  (  Laa laa laa yaa garaad)

Xisbigu ku guulaystay ee SNL uu hogaaminayi  Cigaal  waxa uu aha fikirkodu midnimo an mudo lahayen sidasayna shacabki ku doorten xisbigi

COMMENTS
Latest News