Haqabtirenews.com
Hordhaca Kulanka Switzerland Vs Poland, Xulkee Noqon Doona Kan Ugu Horeeya Ee Iska Xaadiriya Wareega 8-da ?
June 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Switzerland iyo Poland ayaa fooda isku daraya kulamka Euro 2016 wareegiisa 16 iyagoo labada koox tii soo baxdaa ay balan la sameysan doonto Portugal ama Croatia midii soo baxda.

Kulanka: Swizerland vs Poland

Garoonka: Stade Geoffroy Guichard, Saint Etienne

Saacada Geeska Afrika: 4:00 Galabnimo

Wararka Labada Koox:

Switzerland iyo Poland ayaa jaanta iyo ciribta u rogi doona kooxda kooxdii guul ku gaari laheyd Stade Geoffroy Guichard oo drubana iska xaadirin laheyd wareega xiga ee tartankaan bilaabi laheydna biro tumasha loogu jiro wareega sideeda.

Weeraryahanka da’da yar ee xulka Swiss Breel Embolo – oo lala xiriirinayo Manchester United, Chelsea iyo Schalke – aya la filayaa inuu weerarka ugu bilowdo xulka Swiss.

switzerland-poland-badge-graphic-euro-2016-euros_3489448

Dhanka macalinka Poland Adam Nawalka ayaa difaacay weeraryahan Lewandowski kadib markii uu xidiga Bayern ku hilowda Euros si aad u liidata halka xidiga khadka dhexe ee Bartosz Kapustka uu ganaaxan yahay maadaama uu qaatay labo kaar oo digniin ah.
Arsenal goolwalaheeda Wojciech Szczesny ayaa wali ku qaman dhaawicii uu ku seegay kulankii Northern Ireland, sidaasi darteed xidigii hore ee isla Arsenal Lukasz Fabianski ayaa ku bilaaban doono shaxda xulkiisa.

Shaxaha MAcquulka Ah Ee Labada Xul

Swiss : Sommer; Lichtsteiner, Djourou, Schar, Rodriguez; Xhaka, Dzemaili; Shaqiri, Behrami, Mehmedi; Embolo.

Poland Ukraine: Fabianski, Cionek, Pazdan, Glik, Jedrzejczyk, Jodłowiec, Krychowiak, Kapustka, Zielinski, Milik, Lewandowski.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News