Haqabtirenews.com
Hordhaca Kulanka Croatia Vs Portugal, Modric Iyo Cristiano Oo Saaxiibtinimadii Madrid Caawa U Badali Doona Cadowtooyo.
June 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Croatia iyo Portugal ayaa caawa fool ka fool isku wajihi doono kulan ka tirsan wareega 16 ka ee tartanka Euro 2016 kaasoo la filanyo inuu noqdo mid kamid ah kulamada ugu xiisaha badan ee tartankaan ka socda France.

Kulanka: Croatia vs Portugal

Garoonka: Stade Bollaert-Delelis

Saacada Geeska Afrika: 10:00 Fiidnimo

Wararka Labada Xul

Portugal aya ilbiriqsiyo u jirsaday iney la ciyaaraan xulka England laakin gool soo daahay oo ay dhalisay Iceland daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta kulankii ay la yeesheen Austria ayaa Cristiano Ronaldo iyo saaxiibadiisa u dhaadhicyay kaalinta sadexaad ee guruubkooda laakin waxay nasiib u yeesheen iney ka badbaadaan xulalka waa weyn ee kala ah England, Spain, France, Italy, Germany ama Spain.

Ante Čačić iyo kooxdiisa Croatia ayaa guuldaradii ugu horeysay ee tartankaan dhadhan siiyay Spain oo aan laga adkaan 15 EURO ah halka Portugal ay barbaro soo gashay dhamaan sadexdii kulan ee ay ciyaareen ilaa haatan
Nani, oo dhaliyay labo gool heerka guruubyada ayaa ku guuleysan doona wicitaankiisii 10aad ee xulka Portugal halka Cristiano Ronaldo uu u baahan yahay hal gool si uu jabiyo rikoorka Michel Platini ee gooldhaliyaha ugu sareysa taariikhda EURO.

Luka Modrić iyo Mario Mandžukić oo labada dhaawac ku seegay kulanki Spain ayaa soo laaban doona kulankaan waxayna labada koox midii adkaata la ciyaari doontaa midkii soo baxa Switzerland iyo Poland oo iyana galabta is wajahaya.

Croatia-vs-Portugal-Prediction-and-Tips-EURO-2016

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Croatia: Subašić; Srna, Ćorluka, Vida, Strinić; Modrić, Badelj; Brozović, Rakitić, Perišić; Mandžukić.

Portugal: Rui Patrício; Vieirinha, Carvalho, Pepe, Guerreiro; William Carvalho, João Moutinho, André Gomes, João Mário; Nani, Ronaldo.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News