Haqabtirenews.com
DAGAALKA LABO QAARAD: Xiriirka South America Oo Ugu Baaqay UEFA Kulan Dhexmara Guuleystayaasha Copa America Iyo Euro 2016.
June 25, 2016 - Written by Sports Staff
">

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta South America Alejandro Dominguez ayaa sheegay in xiriirkiisa uu ku wargeliyay dhigooda UEFA inay doonayaan kulan dhexmara xulka hanta Copa America iyo xulka hanta Euro 2016.

Chile ayaa wajaheyso Argentina habeenka axada, waana ku celiska finalka sannadkii hore, iyadoo xulka ku guuleystay koobkaan loo caleemo saarayo xulka ugu fiican qaarada South America.

Copa-America-vs-Uefa

Dominguez oo saxaafada la hadlayay maanta ayaa shaaca ka qaaday inuu ku wargeliyay xiriirka kubada cagta Yurub inay doonayaan inay kulan wada ciyaaraan labada xul ee labada qaaradood ugu fiican.

“Waxaan UEFA ku xujeynay ikulan u dhaxeeya xulka hanta Copa Ameirca iyo xulka hanta Euro 2016” ayuu yiri Dominguez.

“Waxaan ku martiqaadnay UEFA waxaan ku xujeynay inaan aragno cida badin karta. Waxaan haatan ka sugeynaa jawaabtooda rasmiga ah.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News