Haqabtirenews.com
Xisbiga Kulmiye Waa Dhanxiir Dhana Qabiil Yahay Dhinacna Qaran Iska yeelyeel Yahay Siyaasi Cali Kubad‏.
June 23, 2016 - Written by admin
">

Waxaan maqli jirey “Hal laba geel jecel, dhexdooda ayaa waraabe ku cunaa”. Waxaan jeclahay inaan in yar is dul taago sababaha aanay isu geli karin xisbi qabiilnimo ku dhisan iyo yagleelid Qaranimo. Bani’Aadamku waxu soo maray marxalado kala duwan sida 1) waqtigii ugaadhsiga ( xawayaanka iyo kalluunka) iyo midho uruursiga 2) waqtigii la bartay rabaynta xoolaha ( xoolo raacato) 3) waqtigii la bartay rabaynta dhirta  (Beeraley) 4) waqtigii wershadeynta 5) iyo waqtigii wershadeynta ka danbeeyey( post-industrial era) oo imminka ah. Sidaas awgeed, innagu Somaali ahaan waxaynu ku jirnaa waqtigii labaad ee xoolo raacatada, oo la soo dhaafay muddo  todoba ilaa toban kun oo sanadood ka hor, intii aan wax soo saarka beeraha laga bilaabin dalkii labada webi u dhaxeeyey ( Mesopotamia oo Iraq-da imminka ah) iyo dadyowgii webiga Nile (Egyptians) hareerihiisa deganaa. Xoolo dhaqatada qabyaalada ku nool waxa isku haya bulsho ahaan labo shay. Kow, difaac ay isu hiiliyaan oo jiritaan koodu ku xidhan, oo marka xoolaha la isku dayo in qof laga dhaco reerka ayaa difaac u noqda(security) iyo qofkii la dilo oo loo soo aargudo. Ta labaad, waa dhaqaalayn ( economic)  qofka la xooleeyo ama magta laga bixiyo. Cadowgaagu hadaad xoolo raacato tahay waa ka ku ag dega ee aad cid isugu xigtaan; waddanimaduna waa tolkaa iyo xigaalkaa. Markaas, Xusbiga Kulmiye waxu rabaa inaynu todobadaas kun ee sanadood halkuu caqliga iyo garaadka siyaasadeed ee bulshadu joogtey, inuu bireyga inoogu qabto oo uu haanbireyga ( hand brake) kor u jiido si aynu kobtaas gabaahiirta ah aynu weligeen u yuuururno, iyaguna ay kursiga ugu haystaan.

Madaxweyne Siilaanyo shirkii Garadag ayuu kasbadey inay xaafidiisu taageero buuxda siiso, anigu waxaan ka mid ahaan dadkii taageersanaa, waayo waxaan ka filayey inuu xaafada ka dhigto sallaaan uu ku fuulo kursiga, oo marka u madaxweyne noqdo uu sallaankaas laado, oo markaas dadka cadaalad waxa ugu qaybiyo oo ugu xaqsooro, oo qabyaalada dadka ka saaro, oo qaranimo buuxda iyo walaalnimo loo wada dhan yahay ka dhex abuuro dadka reer Somaliland. Haddii nin xaafada ah, oo qabiil wax ugu soo dhiciya xaafada la dooni lahaa, dee Gudoomiye Saleebaan qofna lama dhaafsadeen. Ayaan-darada dhacdayse waxay noqotay, sallaankiina muu laadin oo reernimadii kamuu saarin ummada; reernimona kumuu shaqaynin oo markaas waxa la kala garan waayey meeshuu Qabiilku ku dhamaado iyo meeshuu Qaranku ka bilaabmo( cross road). Waxuu Madaxweynuhu xagga hore soo dhigtay dhowr inan oo calooshood la ciyaar oo daneystayaalo ah, oo marna xaafada magaceeda ku shaqaysta, marka wax garadka xaafadu ay is yidhaahdaan wax saxana u dawladeeya oo madax Qaran isaga dhiga, iyadoo isla markaasna aanu odayguna marnaba dooh iyo didibso toona ku odhanin wiilashaas, oo ay dhacday in wasiiradaas qaarkood ay awood ka baxsan intii distoorku awood wasiirnimo siiyey in ka badan ay dalka ugu maamuleen. Qofka xaafada ah ee is yidhaahda wax hagaajina waxuu la kulmayey jawaabo ay ka mid yihiin, waar xaafad ma nihine tigidhkaaga xijiso oo dadkaaga dhinac ka raac xukuumad baanu nahaye. Xisbi ahaan raggii Kulmiye la soo kifaaxay  ee la soo halgamey iyagana cidla iyo goob xun baa lagaga tegey sida Marxuum Moxamed Cadi Iskeerso, oo waxa la qaatay raggii UDUB sida wasiir Cali Warancade iyo Ambassodor Cawilna yahay la taliyaha madaxweynaha, iyo kuwii hadalada xajiinta leh odhan jirey sida “madaxweynaha waxaanu geyneynaa Maxkamada Hague; gudoomiyaha Kulmiye dalka kama soo degi karo; Madaxweynaha xaffaayad baa loo xidhaa; iyo Siilaanyo inuu madaxweyne noqdo looxul maxfuudkaba kuma qorna”. Intaas oo dhami iyadoo jirta oo xaafaduna aanay shirkii Garadag mid ka danbeeyey aanay qabsan , taladii waxgaradka xaafadana la diidey, buu Madaxweyne Siilaanyo yidhi Xisbiga waxaan ku wareejiyey hebel, waayo reer baynu wacad iyo balan la galnay, ee xaafadayda hadaad tihiin ninkaas ku wada daba fayla, Allah odaygu rag yareeyaa. Waxa iyana xusid mudan, cayda iyo aflagaadada xukuumadana xaafada Madaxweynaha bay dusha ka saaran tahay, manaafacad keedana xaafad kale ayaa iska leh.

Anigoo kala garan kari waayey Kulmiye iyo qabiil, oo aan la yaaban ahay sida xukuumada Kulmiye ay qaranimada iyo qabiilka wax isugu walaaqayso, ee ay marba midkay doonto jeebka kala soo baxayso, baan la kulmay oday xaafada ah, oo reer Qoryaale ah oo la yidhaahdo Aw Bustaale. Odaygu waxuu ila wadaagey sheekadan oo uu ku bilaabay hadal ah “Kulmiye Ilaahay kursiga mar danbe uma qorin”. Waxuu yidhi niman xaafada ah oo reer miyi ah baa dhowr iyo lixdankii (1960s) Berbera tegey, iyagoo doonaya inay xajka tagaan. Waxay xoolo wateen markay iibiyeen bay lacagtii nin xaafada ah oo Berbera macdaar/dukaan ku leh u dhiibteen, si uu ugu hayo inta Markabkii Sacuudiga geyn lahaa uu ka imanayo. Waxuu yidhi, sow ninka dukaanka lahow balwed baa leedahay oo Qaadka iyo tumasho kale ayaad ku jiraa. Waxuu yidhi lacagtii baa ninkii ku baxday, maalintii danbe buu Markabkii xujaajta qaadayey yimi, markaas bay odayaashii dukaankii tageen si ay lacagtii ugu soo qaataan. Ninkii lacagta hayey ayaa odayaashii ku yidhi ” waxaan ku garanayaa inaan Ilaahay xajkan idiin qorin, lacagtiinii ayaad ila soo doonateen, iminkana lacagtii way igu baxday, ee xoolahaygii miyiga baan sannadka danbe idiin soo xaraashayaaye waa innoo iyo sannadka danbe, oo sidaas raali igaga ahaada”. Waxuu Aw Bustaale markaas  sheekadii kusoo gabogabeeyey oo igu yidhi “Cali kubadow Xisbiga Kulmiye Ilaahay doorkan umuu qoran kursiga waayo buu yidhi, haddii madaxweyne Siiilaanyo uu raggaas wax la doonayo markuu meesha qabsadayba xisbiguu si fiican u dhisi lahaa, ama xaafadeena ayuu rag Xisbiga iyo xaafada isku xidha wasiiro uga dhigi lahaa, laakiin waxuu wasiiro inooga dhigay buu yidhi shan wasiir oo kala ah Nebi Aadam,Khanaas iyo Waswaas,Abris iyo Abees. Waxaan ku idhi ninkaas Janadii uu ku jirey iska soo saaray gartoo waa Nebi Aadane, bal afarta kale ii kala sheeg. Jawaab igamuu siin hayeeshee waxuu intaas kusii daray, bal ka waran Madaxweynaha wasiiradaas ka sugayo inay xaafadoo dhan xisbiga isugu soo ururiyaan? Waa geel lix sano ka hor dhoobiyo aan ehel u ahayn loo dhiibey buu yidhi.

 Ugu danbeyntii, Nelson Mendela ayaa waxuu yidhi dadka laba siyaabood baa loo hogaamiyaa. Kow, marka aanay dhibaato weyni jirin sidaa xoolaha (adhiga iyo geela) baa xagga danbe laga soo didiyaa. Ta labaad, markay arrimuhu adag yihiin waa inuu hogaamiyuhu dadka hor kaacaa si loo dabo galo. Waxa ayaan-daro weyn ah, inuu xisbigii Kulmiye uu maanta qabiilnimo wax ku doonayo iyo fikir todoba Kun oo sanadood dadkii xoolo raacatada ahaa ay lahaan jireen( si ay dhaqaale iyo nabad isaga kaashadaan). Maanta waad aragteen oo Axmed Ismaaciil Samater baa dhuumasho dhabarku muuqdo Kulmiye ugu biiray, oo waxaaba la odhan karaa hadalkii saaxiibkay Xasan Gaafadhi ee uu yidhi “reerku waa qudhaanjoo qudhaanjaduna way isdaba gashaa baa runta uga dhowaa oo xaqiiqda ku joogey”. Dhaqaalaha(economics) iyo nabadaba (security) waxa abuura Qaramada casriga ah oo baahida loo qabo dadkooda ka haqab tira, ee maaha inta reernimo lagu shaqaysto oo qaranimadii wax la yeelo, oo intii yarayd (scarce resources) ee dhaqaalaha ahaydna badhna jeebka lagu shubto, badhna sidii la doono loogu takrifalo , oo hadana cidna talo ka qaadan mayno la yidhaahdo, in markay doorasho soo dhowdahay la yidhaahdo yaa maali jirayeeey. Madaxweynaha iyo Xisbiga Kulmiyeba waxay u muuqdaan in dadkay sida adhiga daasad u tumi karaanba ay daasada u tumaan oo ay dabada kaga dhacaan. Inta kale ee qaranimo iyo horuumar jeceli way yaqaaniin halkay danta qaranku ku jirto, ee Kulmiyow idiinkoo khanaas iyo waswaas kiinaba wata “haat burhaamkum”.  Kulmiye waxuu xisbinamadii nacsiiyey dadka reer Somalilland; dadku waxay iminka ku odhanayaan xisbi inaan taageero uma baahni, waayo xisbigii guuleysta berito, ayaan daaqada kaga boodi karaa sidan dadka xukumada Kulmiye joogaaba ay yeeleen.

Waxaan kusoo afmeerayaa, muusuqmaasaq, hanti boob qaawan, iyo xukuumad aan cidna u qabsoomeyn haday tahay Distoorkii xakamayn lahaa, iyo haday tahay mid xaafadeedba, ilayn eedeyn oo dhan xaafada ayaa dusha laga saarayaaye; wasiirada xukumaduna magac reer bay xilalkooda ku joogaan,shaqo la’aan ay dhalinyaradii suuqa dhoobaney yihiin, cadaalad daro iyo eex, iyo hadal meel loo waayey oo markii shaqo la abuuri kari waayey marmarsiinyo laga dhigtay Dekada Berbera ayaan kirayneynaa si shaqo loo abuuro, ictiraaf raadintii oo laga seexday oo dawlad hoosaadyo magaalooyin Yurub ah ictiraaf kooda lagu faanayo, wada hadalkii Xamar oo la yidhaahdo waanu joojiney oo misna la yidhaahdo Turkiga baanu tegeynaa si aanu ula kulano dawlad ku sheega Xamar, Somaliland shan sanadood oo danbe oo waqti lumiska Kulmiye ah ma awoodi karto, mana qaadi karto. Xisbiga Kulmiye haduu Qabiilnimo wax ku doonayo ceeb maaha ee ha is cadeeyo( oo waa Ma’sha’Allah), laakiin qaran baanu dhisaynaa oo xisbi qabyaaladeysan ku dhisaynaa ( dee waa Wegertii), cunsuriyadnimo taas ka weynina ma jirto oo waa fikir sabool ah(ideologically bankrupt), ta kale xisbi iyo qaran toona qabiil laguma dhiso. Xukuumada Kulmiye waxay ku dhaqantaa habkii qabiil; qabiil loogu hagaagose lama garan karo, waayo siyaasad faashil ah oo ay wasiiradu xilalkooda ku joogaan magaca qabiilkooda baa dalka ka hana qaaday. Laakiin Xisbiga Kulmiye waxuu ku dhisan yahay qabyaalad,cidii loogu hagaagi lahaana waa Daahir yaa Shamis, hogaanka Kulmiyena waa kaas madaxdhaqameedkii ka hor yimi jeelka Mandhera u diraya. Dabka iyo dhagaxa la iskuma dhuftee kala dhowraay.

COMMENTS
Latest News