Haqabtirenews.com
Xanta Suuqa: Paris Saint Germain Oo Todobaadkaan Shaqada Ka Ceyrineysa Macalin Laurent Blanc.
June 21, 2016 - Written by Sports Staff
">

Laurent Blanc ayaa maalmaha soo aadan laga ceyrin doonaa shaqada kooxda Paris Saint-Germain, sidaasi waxaa saxaafada u xaqiijiyay wakiilkiisa.

Waxaa la fahansan yahay in kooxda yeelatay horyaalka France ay magacaabeyso macalinkii ka tagay Sevilla ee Unai Emery kaasoo shaqada ka badali doona Blanc maalinta khamiista ah.

Blanc ayaa ku hogaamiyay PSG ayaa ku hogaamiyay sadexda koob ee maxaliga ah laakin ciqaabta ka heysata tartanka Champions League mudadii sadexda sano aheyd ee uu joogay kooxda ayaa kasbatay shaqadiisa.

Blanc

PSG ayaa xili horeba ku guuleystay Ligue 1 at sidoo kale waxay hanteen Coupe de France iyo Coupe de la Ligue, laakin waxaa 3-2 ku garaacday  Manchester City sideeda ugu danbeysa ee Champions League wuxuuna wakiilkiisa saxaafad au xaqiijiyay “Ka hor dhamaadka todobaadka, PSG iyo Laurent Blanc waa ay kala dhamaan doonaa ” ayuu Jean Pierre Bernes u sheegay idaacada ree France ee Europe 1.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News