Haqabtirenews.com
Tababare Tite Oo Loo Dhiibay Qaranka Brazil, Kulamda Ee Is Reeb-reebka Koobka aduunka Loogu Soo Baxayo Ayaa Sugaya .
June 21, 2016 - Written by Sports Staff
">

Ururka kubadda cagta Brazil ayaa shaaciyay in Adenor Leonardo Bacchi oo caan ku ah Tite loo dhiibay maamulka tababarka qaranka Brazil.

Ka dib markii ay dhawaan ka soo hareen tartanka Copa America oo ay ku istageen wareeggiisii 1-aad ayay Brazil cayriyeen macalinkii waday ee Dunga

Macalinkaan hore ee kooxda reer Brazil ee Corinthians ayaa toos todobaadkaaan ula wareegaya tababarka qaranka Brazil xilli macalinka la casilay uu soo hayay qaranka muddo laba sanno ah

Kulamada ugu horeeya ee macalinkaan cusub ayaa imaanaya bisha September ee sanadkaan xilligaas oo kulamo is reeb reebka loogu soo baxayo koobka aduunka ay Barzil la ciyaarayaan Ecuador iyo Colombia

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News