Haqabtirenews.com
Tababare Somaliyed Oo Dunida Caan Ka Ah Oo Lagu Xeray Spain , Daroogada Awood Laga Helo Ayaa Laga Helay Qol Uu Ka Deganaa Hotel Dalkaas Ku Yaal.
June 21, 2016 - Written by Sports Staff
">

Tababaraha caanka ee Somaliyeed Jaamc Aadan ( Karaaciin)ayaa waxaa shalay Booliiska Spain ay ku xireen Hotelka Arrahone oo ku yaala magaalada Sabadell oo 30 KM dhanka Waqooyi ka xigta Magaalada Barcelona.

Jaamac Karaaciin oo iminka tababara orodyahanada u dhalatay Itoobiya ee haysata rikoorka 1500m Genzebe Dibaba ayaa waxa ay booliiska ku eedeeyeen in ay qolkiisa ka heleen daroogooyin loogu talo galay in ay kordhiso awooda orodyahanka.

Jaraa’idyada ka soo kala baxa wadanka UK iyo Spain ayaa aad uga faalooday xarigaan loo taxaabay JAAMAC KARAACIIN oo ah tababare aad looga yaqaano dhamaan aduunweynaha.

Jaamac Karaaciin waxaa kale oo uu tababaraa orodyahanka reer Jabuuti ee Ayaanleh Suleymaan,isagoo hore u soo tababaray Taouifk Makhloufi oo ah orodyahanka haysta 1500M oo u dhashay wadanka Aljeeriya.

FDhamaan orodyahanda uu tababaray Jaamac laguma helin wax Darooga ah oo jirkooda ku jirta.

Wararku waxay sheegayaan in qolka Jaamac Karaaciin laga helay darooga mamnuuca ah ee EPO,taasoo keentay in isaga iyo shaqsi kale oo la shaqeeyaa goobtaas ay Booliiska Spain oo kaashanaya Spanish anti-doping agency (AEPSAD) oo ah hay’ada u qaabilsan ka hortegida daroogada iyo isboortiga ugu galaan.

Orodyahan MO FARAH ayaa ku dhawaaqay in uu iska fogeeyay wixii xiriir ah ee uu la lahaa Jaamac Karaaciin,iyadoo markii ugu dambeysay ay si aan rasmi ahayn iskula shaqeeyaan ay ahayd sanadkii hore waqti uu ku tababaranayay buuraha ITOOBIYA.

Warkaan Oo Ingiriis Ah Kuna Soo Baxay Wargeyska The Theguardian Ka Aqriso Halkaan 

 

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News