Haqabtirenews.com
Kolo Toure Oo Amaan Ugu Qubeeyay Dhiiga Cusub Ee Kooxda Manchester United.
June 21, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xiddiga xulka qaranak Ivory Coast iyo kooxda Liverpool ee Kolo Toure ayaa amaanay ciyaaryahanka cusub ee kooxda Manchester United Eric Bailly.

Daafacan 22 jirka ah ayaa ku soo biiray kooxda Red Devils horaantii bishan isaga oo kaga soo biiray kooxda reer spain ee Villareal lacag dhan £30million.

Waxa uu ahaa saxiixii ugu horeyay ee jose mourinho sameey tan iyo markii loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda manchester united isaga daafacan ku tilmaamay in uu noqo karo daafacyada ugu fiican caalamka.

Kolo Toure oo ka tagaya kooxda Liverpool marka uu heshiiskiisu dhamaado ayaa rumaysan in xiddigan noqon doono daafac ka mid ah kuwa ugu fiican caalamka.

isaga oo k hadlay ayuu yidhi”Waan ku faana Eric waxa aan ku faraxsanahay ku soo biiristiisa manchester united”

“waa xiddiga dagan waxa uu qabtaa shaqo badan maantana waxa uu horumar ka gaadhay dadaalkii uu qabtay waxana uu ku soo biiray koox ka mid ah kooxaha ugu weyn caalamka.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News