Haqabtirenews.com
Home » Horyaalada » England » Xulalkee Ayay Kooxaha Wales Iyo England La Ciyaari Doonaan Wareega 16ka Ee Euro 2016? Xulalkee Ayay Kooxaha Wales Iyo England La Ciyaari Doonaan Wareega 16ka Ee Euro 2016?
June 21, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xulka Wales ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay Group B taasoo la micno ah inay la ciyaari doonaan wareega 16ka mid ka mid ah xulalka kaalimaha seddexaad ku soo baxa. Halka England ay la ciyaari doonto xulka kaalinta labaad ku dhameysta Group F.

Wales ayaa 3-0 ku dirtay xulka Russia taasoo keentay inay lix dhibcood ku galaan kaalinta koowaad ee Group B sidaasi darteed waxa ay wareega 16ka la ciyaari doonaan midkood xulalka kaalimaha seddexaad ku dhameysta Group A (Albania), Group D (Weli lama xaqiijin laakiin midkood Czech Republic, Croatia ama Turkey) ama Group C (Lama xaqiijin laakiin midkood Germany, Poland ama Northern Ireland.”

1abc46fb-4155-46b8-9ffa-15488b0da167

Waxaa si rasmi ah loo ogaan doonaa xulka ay Wales wajaheyso marka la xaqiijiyo afarta xul ee ka soo baxeysa xulalka ku dhameysta kaalimaha seddexdaas.

Wales ayaase ka warqabta inay ku ciyaari doonaan magaalada Paris maalinta sabtida.

England waxa ay ku dhameysatay kaalinta labaad ee Group B sidaasi darteed waxa ay la ciyaari doonaan kooxda kaalinta labaad kaga soo baxda Group F, waxaana ay noqon kartaa Hungary, Iceland, Portugal ama Austria.

Kulankooda wareega 16ka waxaa la ciyaari doonaa isniinta soo socota waxaana ay ka dhaceysaa magaalada Nice.

Slovakia weli rajo ayay qabtaa afar dhibcood ayay leeyihiin waxaana ay ku jiraan kaalinta 3aad ee Group B, waxa ay ka mid noqon karaan afarta xul ee ka soo baxeysa xulalka kaalimaha seddexaad ku dhameysta.

 Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News