Haqabtirenews.com
Goolhaye Joe Hart Oo Hanjabaad Hawada U Mariyay Xulalka Ka Qayb Qaadanay Euro 2016 Tollow Muxu Ugu Hanjabay.
June 21, 2016 - Written by Sports Staff
">

Goolhayaha xulka England ee Joe Hart ayaa carabka ku adkeeyay in xulka qarankiisu aanu wax cabsi ah ka qabin in uu wajaho xulk kasta wareega 16ka ee koobka qaramada Yurub.

Xulka England ayaa Barbaro goolal la,aan ah la galay xulka qaranka Slovakia iyaga oo ku soo baxay kaalinta labaad ee Group B kadib markii xulka wales ka badiyay xulka Russia.

Hart oo hadlay ciyaarta kadib ayaa yidhi”waxa aan ciyaarnay ciyaar fiican laakiin ma uusan wanaagsanayn dhamaystirka weerarkayga waxa aan dhalin karnay goolal badan laakiin way suuro gali weyday”

Goolhayan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Waxa aan haysanaa xiddiga tayo fiican leh oo wakhti kasta xulka guul ku hogaamin kara sida Daniel Sturridge,Weyn Rooney, Harry Kean iyo waliba Jamie Varday kuwaas oo awood u leh in ay ciyaarta badalaan wakhti kasta”

“England Cid kama Cabsi qabto koox kasta oo aan ku aadno wareega 16ka waxa aan tusi doonaa in aan garaaci karo koox kasta oo wadadeena soo istaagta si aan u gaadhno ciyaarta kama dambaysta”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News