Haqabtirenews.com
Siyaasadda iyo Dhallinyarada Somaliland.!!, Bilow Fiican.!!. W/Q. Cabdirashiid Jeeni
June 20, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

– Hordhac.

In kasta oo ay qiraal tahay in xisbiyada Somaliland ay weli yihiin kuwo yeelan kara astaamo ah in qabiilku si xooggan uga dhex shaqeynayo, haddana saamaynta isu-muuqashada ku dhisan qabiilku waxay hadda ka hor ahaan jirtey mid soo yaraaneysa. Laakiin, beryahan waxa soo baxaya astaamo muujinaya in afkaarta hagaysa taageerayaasha xisbiyada (gaar ahaan Dhallinyarada baraha Bulshadu) noqdeen kuwo u eg dhufays qabali ah, waxa muuqata in dhallinyaradu aad ugu kala fogaaneyso kuna sifoobeyso kuwo difaacaya wax ka duwan wixii aynu xisbiyada u samaysanney.

Maxaynu Xisbiyada u Samaysaney?

Mar walba waxa dagaal ku jira aqoonta iyo aqoon darrada, aqoon-darradu waxay weheshataa



qabiilka, ma leh tol iyo xigto kale, aqoontuna waxay kaashataa fekerka iyo ilbaxnimada. Manhajka siyaasiga ah ee ku salaysan xisbinimadu waa mid u hiilinaya dhallinyarada (oo badankoodu ah dad aqoon leh), uguna hiilinaya in ay soo bandhigaan aqoontooda, waa haddii ay sida saxda ah u adeegsadaan manhajkaas. Dabcan hiiraalka fog ee xisbiyadu waa in lagaga boxo qabyaaladda, bulshaduna noqoto mid ay aragtida saliimka ahi mideyso, aqoontuna hagto. mar kasta oo xisbiyadu u muuqdaan kuwo mideynaya bulshada, waxa wiiqmaya kuwa ku adeeganaya qabiilka, waxayna dan u tahay inteenna da’da yar ee aqoontu hiilka u tahay, taas baa abuureysa is-jacaylka bulshada oo ah sawirka guud ee aynu xisbiyada u samaysannay. Xisbiyada waxaynu u samaysannay in innaga oo kala aragti duwan aynu isku oggolaano iskuna jeclaanno.

Ma Sax Baa Doodda Odhanaysa Dhallinyaradu Xisbiyada/Siyaasadda Ha Iska Daayeen?.

Sidaan hore u sheegay aqoonta iyo aqoon-darradu waa is-riixayaan, kaadirka aqoon-darradu marba wuxu la yimaaddaa qorshe uu aqoonta iskaga celinayo, tan ah in dhallintu siyaasadda ka fadhiisato waa is-riixii oo nooc cusub ah.

Siyaasaddu waa noloshii bulshada, bulshadu waxay ubaahan tahay caafimaad, waxbarasho, dhaqaale, aqoonsi, iyo ammaan IWM, dhammaan arrimahani waxay u baahan yihiin cilmi cusub iyo shaqo cusub, mar kasta oo dadka kuwaas ka shaqeynayaa noqdaan dad aan aqoonteedii lahayn, waxa imanaya caafimaad-xumo, aqoondarro, dhaqaale-xumo, aqoonsi-la’aan, iyo amni darro. Haddii aynu ka- dhallinyaro ahaan arrimahaa isu taagi weyno; sow innagu jahliga fursad maynu siin? Sow innagu jabkaa qayb kama nihin. Dhanka kale, mar kasta oo uu jahliga ama dadka fekerka qalloocaa ku badtaan suuqa siyaasadda, maxsuulka siyaasiga ah ee aad halkaas ka filataa waa gurrac siyaasadeed, go’aammo qalloocan, fashil iyo horumar la’aan.

Waxa tusaale kuugu filan doorashadii Golaha Deegaanka ee ugu danbeysey, waxa la furay dabarka siyaasiga ah ee dhallinyarada ka hor-joogey in ay soo galaan siyaasadda, balse markii tartanku furmay waxa soo baxay oo xildhibaanno noqday dad u badan dhallinyaro, dhallinyaradaasi may ahayn kuwii saxda ahaa ee waxa soo saaray suuqa siyaasiga ah oo hore u dheelliyayey ayna ka buuxeen dad aan aqoon siyaasi ah iyo aragti toonna lahayn, kuwaas ayaa qaadtay magicii dhallinyarada isla markaana abuuray sawir xun oo ah in markii dhallin la doortay ay sidaas xun wax noqdeen. Laakiin runtu waxay tahay taas waxa keenay dadkii dhismaha qaranka wax ka tari lahaa, dhallinyaradana ahaa oo dib u istaagey, soona geliwaayey siyaasadda, iyo kuwii aan ehelka u ahayn oo hore soo maray. Sidaa awgeed, xalka saxda ahi ma aha in dhallintu ay siyaasadda ka joogsato ama ka baqato.

Muxuu Yahay Xalku Saxda Ahi?, Sidee Looga Baxaa Jaah-wareerkan?, Maxaase Dhallinyarada la gudboon?.

Xalku wuxuu yahay:

1. Waa in aynu fahamno in Somaliland leedahay cadow badan, isla markaana maalin kasta eegeya gol-daloolooyinka aynu leenahay. Mar kasta oo kala-qaybsanaanteennu sii badato waxa badanaya fursadaha cadowga Somaliland, waxana yaraanaya suurtagalnimada horumarka Somaliland.

2. Dhallihnyaradu (Aqoon-yahanku) waa in ay xoog u soo galaan, isla markaana dheelli-tiraan suuqa siyaasadda ee hadda u xidhan dadka aan hawlaha dawliga ah iyo kuwa siyaasiga ah ehelka u ahayn, isuna arkaan masuuliyiintii maanta (maaha kuwa berrito).

3. Heerka fahamka iyo doodda dhallinyaradu waa in uu ka koraa afkaarta ku salaysan beelaha iyo reeraha, fekerkaas oo ah mid aan dib-u-dhac mooyee aan horumar keeneyn, isla markaana jahligu doonayo inuu ku wiiqo sharafka dhallinyarada. dooddaadu waa in ay noqotaa mid ku salaysan Afkaar, isla markaana laga waantoobo in la gacan-togaaleeyo meelaha hoose ee aan u qalmin garashadeena iyo garaadka ummaddeenna.

4. Mid kasta oo ka mida dhallinyarada ku jira asxaabta siyaasaddu waa in uu isku dayaa oo ku dedaalaa in uu xisbiga uu ku jiro ka dhexbilaabi karo dareen dhallinyaranimo (aqoonyahannimo) oo ka baxsan fekerka qabiiliga ah ee waxshiga ah, waa la og yahay in ay yaallaan caqabado aad u badan oo kaa hor imanayaa, lana fili maayo isbeddel degdega laakiin yeelo ku-dhiirrasho, iskuna day in aad wax uun ka qabato waajibka guud ee aqoonyahannimo, Somalilannimo.

5.Abuur feker, six or ah u dood, ka-kac gelgelinta qabiilka, una gudub heerka qofnimo ee ku faraya in aad tanaasul samayn karto marka lagaa saxan yahay.

DHAMMAAD

Ramadaan Kariim

Abdirashid Maxamed Aadan( Cabdirashiid Jeeni),

ajeeni@hotmail.com

 

COMMENTS
Latest News