Haqabtirenews.com
Maayirka Magaalada Burco Oo Gaadhi Cusub Oo Isla Xalay U Balan Qaaday Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Si Rasmiya Ugu Wareejiyey.
June 20, 2016 - Written by admin
">

Maayirka Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco Ayaa maanta si rasmiya ugu wareejiyey Gaadhi nooca raaxada ah oo xalay uu munaasibada ka dhacday Hotel Safaari ee Hargaysa Kaga Dhawaaqay.

Gaadhigan oo noociisu yahay Toyota Verosa Ayaa manta Wareejintiisu ka dhacday barxada hore ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyada oo munaasibada wareejinta.
gaadhigan oo ay mulkiyadiisa la wareegaysay Hoodo Ayaan Suldaan Aadan ay Kasoo Qayb Galeen Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maayirka Magaalada Burco, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargaysa, Xoghayaha Golaha Wasiirada, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.
Masuuliyiintan ayaa dhamaantoodba waxay sheegeen inay muhiim tahay in dhalinyarada la dhiiri galiyo si ay u qabtaan waxyaabaha ay sida mutadawnimada ah ee waddankooda ay u qabtaan.
Waxaana ay aad u amaaneen maayirka Burco oo ay tilmaameen inuu yahay shakhsi ku suntan dhiiri galinta dhalinyarada dalka.
Dhinaca kale Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Faarax ayaa iyana ka hadashay Dareenkeeda iyadoo fariin U dirtay dhalinyarada Somaliland

Mardhow Fillo Warkan oo Vedio Dhamaystiran Ah.

11063789_10209735224408370_5479008655631191357_n 13432221_10209735211168039_6742026137311127422_n 13445792_10209735222928333_7107394211624407678_n 13466223_10209735222128313_8472560356276532851_n 13510919_10209735221208290_4599490110191367358_n

COMMENTS
Latest News