Haqabtirenews.com
DAAWO Laba Weerar Oo Isqarxin Ah Oo Xalay Ka Dhacay Caasimada Kaabuul Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.
June 20, 2016 - Written by admin
">

DAAWO Laba Weerar Oo Isqarxin Ah Oo Xalay Ka Dhacay Caasimada Kaabuul Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Halkan Hoose Kadaawo Faah Faahinta Warkaas

Ugu yaraan 14 qof oo ilaaliyaan ammaan ajaanib ah ayaa ku dhintey weerar is-qarxin qof isbiimeeyey oo goor dhaweyd ka dhacey dalka Afghansitaan,gaar ahaan caasimadda Kabul ee dhinaca bari ee magaalada Jalalabaad.

Qofka is-qarxiyey ayaa la sheegey in uu lugeynayey,waxaana uu soo fuuley bas ay saarnaayeen shaqaalaha dhisme ay deggen yihiin dad ajnabiya,oo aan u dhalin dalkaasi.

Sidoo kale weerar kale oo isna qarax ayaa saddex saacadood kaddib ka dhacay dhinaca bari ee magaalada Kabul,waxaana uu sababey dhaawaca shan ruux,oo uu ka mid ahaa MP Ataullah Faizani oo ah xubin baarlamaanka dalkaasi ka mid ah.

Weerarkan ayaa noqoya kii ugu horreeyey ee ka dhaca caasimadda Kabul ee dalka Afghansitaan,tan iyo intii ay bilaabantey bisha Ramadaan bishii June 6-deedii.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatey markiiba kooxda Taalibaan ee ka dagaalanta dalkaasi.

COMMENTS
Latest News