Haqabtirenews.com
Daawo Jamaahiirta Austria Oo Isku Dayaya Inay Ka Careysiiyaan CR7 Iyagoo Ku Heesaya Magaca Lionel Messi.
June 19, 2016 - Written by Sports Staff
">

Taageerayaasha xulka Austria ayaa isku dayaya inay ka careysiiyaan Cristiano Ronaldo iyagoo mararka qaar intii ay socotay qeybtii hore ee ciyaarta ku heesayay magaca xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona & Argentina Lionel Messi.

Cristiano Ronaldo oo maanta jabiyay rikoorka safashada Luis Figo ee xulka Portugal ayaa dagaal adag ugu jira inuu guushii horeysay gaarsiiyo xulka uu kabtanka u yahay kuwaasoo barbaro gool iyo gool ah ku bilowday tartankaan kulankii ay la ciyaareen isbuucii hore xulka Iceland.

Ronaldo ayaana qeybtii hore ee kulanka caawa fursado fiican helay inkastoo uu haleeli waayay shabaqa si la mid ah asxaabtiisa xulka sida Nani iyo Moutinho.

Si kastaba, jamaahiirta Austria ee garoonka Parc des Princes ayaa helay wax ay kaga sii careysiiyaan Cristiano Ronaldo kaasoo ku jahwareersan gool la’aantiisa, iyagoo marka uu kubada heysto ku heesaya magaca ninka ay ku xafiiltamaan kubada cagta ee Lionel Messi,Halkaan haqabtiretv.net ka daawo muuqaalka laga qabtay jamaahiirta Austria oo magaca Messi ku heesaya:

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News