Haqabtirenews.com
Zlatan Ibrahimovic: Haddii Aan La Dagaalami Lahaa Georgio Chiellini, Waqtigaan Cusbital Ayuu Ku Jiri Lahaa.
June 18, 2016 - Written by Sports Staff
">

Zlatan Ibrahimovic ayaa ka kaftamay dagaalkii kubadeed ee dhexmaray isaga Giorgio Chiellini: “Haddii ay ahaan laheyd dagaal rasmi ah, cusbital ayuu ku jiri lahaa waqtigaan.”

Weeraryahanka ayaa dhowr jeer waxa ay iska horyimaadeen Chiellini intii ay socotay kulankii ay Sweden guuldarada 1-0 ka soo gaartay Italy ee tartanka Euro 2016.

“Kubada cagta waxaa loo baahan yahay in diirada la saaro 90ka daqiiqo oo dhan, haddii kale koox sida Italy ah ayaa ku ciqaabeysa, waana taas waxa dhacay maanta” ayuu yiri Ibra.

ClKu9goUgAAdGmv

“Waxaad noqon kartaa mid aad u adag muddo 89 daqiiqadood ah, ka dibna waxaad ogolaan kartaa hal fursad oo aad ciyaarta ku guuldareysato.

“Kumaa ugu jeclahay xulka qaranka Italy? Cidna, waxa ay u shaqeeyeen koox ahaan si aad u fiican, si fiican ayayna iiga yaabsadeen.”

Waxaa la weydiiyay sida uu ahaa dagaalka awoodeed ee uu la galay Chiellini.

“Haddii ay ahaan laheyd dagaal rasmi ah, waxa uu ku jiri lahaa cusbital.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News