Haqabtirenews.com
Zinadine Zidane Oo La fariisanaya Madaxda Real Madrid, Pogba, James Iyo Isco Oo Ku Jira Qorshaha Laga Wada Hadlayo.
June 18, 2016 - Written by Sports Staff
">

Sida ay qortay jariirada Marca ee kasoo baxda magaalada Madrid, macalinka kooxda Real Madrid Zidane ayaa kala fariisanaya maamulka kooxda Real qorshahooda suuqa kale iibsiga iyagoo ka wada hadlaya mustaqbalka kooxda.

Perez iyo agaasimaha kooxdaasi ayaa goob joog noqon doona waxaana laga wada hadli doonaa soo xerogelinta Paul Pogba, waxa laga yeelayo mustaqbalka James Rodriguez iyo Isco Alarcon iyo 10 xidig oo ay kooxda leedahay oo kasoo laabtay amaah ay ku maqnaayeen.

Juventus ayaa u sheegay Real Madrid iney doonayaan lacag dhan 160 milyan hadii Los Blancos ay la wareegeyso Paul Pogba taasoo caqabad ku noqon karta kooxda caasimada Spain ka ciyaarta.

Mateo Kovacic, Nacho Fernandez, Jese Rodriguez iyo  Martin Odegaard ayaa dhamaan u baahan iney raadiyaan fursad ciyaareed ka badan tan Madrid iyadoo xidiga 30 ka milyan ku fadhiya ee ree Croatia uu kaliya 9 kulan oo kooxda ah ku bilowday, Nacho ayaa isna xili ciyaareedkaan ku bilowday 15 kulan kaliya waxaana labadaba xiiseynaya kooxda Roma.

Zidane, Pogba isco and James

Jesse ayaan la dooneyn in la iibiyo isaga waxayna doonayaan iney amaah ku fasaxaan waxaana soo weydiisay kooxda Espanyol halka Martin Odegaard la filayo in la amaahiyo kooxaha ingiriiska.

Marco Asensio, Fabio Coentrao, Lucas Silva, Jesus Vallejo, Diego Llorente, Burgui, Alvaro Medran, Omar Mascarell, Raul de Tomas iyo Mario Hermoso woo dhamaan amaah hal sano ah ku maqnaa ayaana soo laabanaya waxaana wax la iska weydiin doonaa sidii laga yeeli lahaa xidigahaan.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News