Haqabtirenews.com
Jose Mourinho oo sheegay Phil Jones inuu mustaqbal ku leeyahay Manchester United isagoo aaminsan inuu yahay John Terry-ga United.
June 18, 2016 - Written by Sports Staff
">

Jose Mourinho ayaa doonaya Phil Jones inuu noqdo John Terry -ga Manchester United ka dib markii la sheegay in daafacaan in uusan mustaqbal ku laheyn Old Trafford.

Jones ayaa mustaqbalkiisa United u rumeeyay xiddigan reer England, inkastoo £ 30million uu kusoo qaatay daafacii Villarreal Eric Bailly.

Dhaawacyada ayaa dib u dhigay Jones oo kaliya 10 kulan saftay Premier League waayihii macalin Louis van Gaal xilli ciyaareedkii hore, iyadoo laga dooran jiray Daley Blind oo ka garab ciyaarayay inta badan Chris Smalling.

24-sano jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu England u matalo Euro 2016 ,waxaana inta fasaxa lagu maqan yahay la sheegay inuu ka walwalsan yahay booskiisa kooxda Manchester United.

Phil Jones has been assured he has a future at Man United by Jose MourinhoUnited have already splashed the cash to sign Villarreal's Eric Bailly for £30m

SunSport ayaa sheegay tababaraha reer Portugal inuu u yeeray Jones kalana hadlay mustaqbalkiisa kooxda horaantii Isbuucaan, inkastoo ciyaaryahankii hore ee Blackburn Rovers dhawac weli uu qabo.

Mourinho ayaa isha ku haya inuu dib u dhis weyn ku sameeyo kooxda Manchester United, isagoo £ 200 milyan jeebka loo geliyay si ciyaartooy cusub uu u keeno.

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News