Haqabtirenews.com
War Deg-Deg Ah Xaalad Xaafimaad Xumo Oo Soo Food Saaratay Afhayeenkii Dhalinyarada Xisbiga WADDANI Iyo Xadhig Xaqdaro Ah oo Uu Mudo 12 Casho Ah U Xidhan Yihiin Isaga Iyo Dhalinyaro Kale.
June 17, 2016 - Written by admin
">

Kadib Markii 11 Casho ka Hor magaalada Hargeysa lagu Xidhxidhay 5 dhalinyaro ah islamarkaasina ka Tirsan ururka Muwaafaqo ee Dhalinyarada ka soo jeeda Gobolka Saaxil kuwaasi oo lagu Xidhxidhay falanqayn ah ku Sameeyeen Heshiiska Dhaxal Wareejinta dekeda magaalada Berbera ee Shirkada imaraadka carabta laga leeyahay ee DP-World ee ay xukuumada somaliland ku wareejinayso dekadaasi waxaana ka mid ahaa dhalinyaradaasi Afhayeenka Heer qaran ee dhalinyarada Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani Maxamed Sidiiq Dhamme.

Shantani Dhakinyarada ah ayaa wali Ku xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa kuwaasi oo aan ilaa hada lasoo horyaagin wax sharci ah oo ay ku xidhan yihiin.

Afhayeenka Dhalinyarada Xisbiga waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa lagu soo waramayaa in Xaalad Caafimaad daro ay ku soo wajahday masuulkani Gudaha Saldhigaasi Magaalada hargeysa waxaana sidaasi u xaqiiniyey Shabakada wararka Caalamiga ah ee Haqabtirenews.com mid ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Waddani.

Si kastaba ha ahaatee Dhalinyaradani ayaa waxa ay ilaa hada ku Xidhan yihiin in ay ka hadlaan fikirkooda ku aadan mashruuca wareejinta dekada Berbera Iyadoona Xadhiga Dhalinyaradani loo aanaynaayo In ay ka Dambaayeen Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Safiirka Somaliland ee Dalka imaaraadka Carabta Baashe Morgan kuwaasi Oo ka Xumaaday Falanaynta ay ku Sameeyeen Dhalinyaradani dekeda berbera.

Geesta Kale Dhalinyaro kala duwan oo reer Somaliland ahaayaa ka hadkay maalmihii la soo dhaafay gobolkada somaliland kuwaasi oo ku baaqayey in Dhakinyaradaasi Xoriyadooda Loosoo Celiyo Balse Xukuumada Ayaan Hadalkaasi wali Dhag u Jalaqsiin.

 

Haqabtirenews.com

Burco-Office

COMMENTS
Latest News