Haqabtirenews.com
Wax Ka Baro Xayawaanka Libaaxa WQ-Mustafe X Axmed Diiriye (M. Sheybe)
June 16, 2016 - Written by admin
">

Wax ka baro libaaxa

Libaaxu waa budh-tuurka iyo madaxa ugu sareeye ee kaynta ay ku noolyihiin malaayiinka nooc aadunka iyo ugaadhaba iskugu jiraa. Waa bahal aad u shiddo badan aadna looga cabsado, wuxuu arkana kolka uu  gaajaysan yahay ay adagatay inuu bixiyo. Waa bahal marka uu kaa soo hor baxo ee uu ku soo wajahu cabsi rabaani ahi ku qaadayso.

Libaaxa  lab ee yar waxaa   waxaa la yidhdaa  Cagobaruur, libaaxa weyna waxaa la yidhaahdaa Aar.  Libaaxu wuxuu ku qaan gaadhaa oo shurufka iyo taagta lab-nimo isku arkaa markuu jiro 2 gu iyo 2 bilood (26 bilood).  Balse waxa uu dhasha bilaabaa oo Goosha rimiyaa markuu gaadho 4-5 gu. Wuxuuna sii dhali karaa ilaa 16gu oo danbe.

Libaxadda dhedig ee yar waxaa la yidhaadaa Baranbarqo, libaxaada weyna waxaa la yidhaahdaa Gool. Gooshu waxay iyana bilawdaa inay uur jiif qaadi qarto oo ay ku qaangadhaa  2 gu iyo 9 bilood. Waxay dhasha sii wadi karta illaa 15 gu oo danbe , basle sanadka 11 gu markay marayso ayay bilaabaysaa inay dhasha dib u dhgito oo yara kala hakiso.

Gooshu waxay ka mid tahay xayawaanka mar wax ka badan sanadkii gala xaaladda ah inay la kulmaan Labka (polyoestrus). Xalaadaa ay gooshu u bahan tahay labka waxay ku jirayaa 4 – 7 maalmood. Oo aan xidhiidh ahayn, balse kala fogfog oo sanadkiiba maalmo yar ah celcelis ahaa waxay noqonayaan 55.4 maalmood. Gooshu waxay noolataa illaa 18 sanadood wixii intaa ka danbeeya waxay qarka u saarntahay dhimasho,

In kabadan 100 jeer ayuu maalintii Aarku u tagayaa goosha, isaga oo markiiba saarnaada shaqadana wada 2 sikin.  Deedna waa uu iska ag jiifsadaa iyana way iska dhianac gal-galataa. Deedna cabaar ka dib ayuu haddana ku kiciyaa, kolka uu saaran yahay wuu hiinraagaa waanu gurxamaa, waxaanu iska dhig-dhigaa sidii mid qaniinaaya balse qaniinyo maahee waa, Waa xoodaamin sidaa u taal. Kolka uu ka dayaao waxay iska dhigaysaa gooshu sidii mid dagaalaysa oo aad mood inay leedahay waad dhamaysatee naga deg haddaba. Culimada xayawaanka duurjoogta xooga u taqanaa waxay qaar kood qabaan inuu Aarku 7 daqiiqaba mar u tago intaa ay Gooshu  ku jirto xaaladda ay u  baahantahay labkeeda….

Aarku waxa uu noqonayaa mid aad u caatooba, aadna u gota, isaga oo jiidh go’aaya. Waxaana ugu waxan  xilliga ay Gooshu ku jirto (oestrus period) oo aad u badan ayna ku soo sheegnay Celcelis ahaan sanadkii inay tahay 55.4 maalmood iyo galmada faraha badan ee uu maalin walaba samaynaayo (copulate). Aarku waxa uu noqonayaa mid dagaal u jooga! Waayo! Waxa uu ka ceshanayaa Aararka kale inay ka qadaan goosha.  Waxaanu noqonayaa mid aad u tin yar oo daciifa dagaalka badan iyo hawshaa badan ee uu hayo awgeed.

 

 

 

 

Lifecycle   (Meertada Nolosha)

Day 1  Cubs are 1 – 2kg at birth, they are blind and helpless.
Day 3 – 11 Their eyes open but vision is little more than a blur for another week.
Day 10 – 15          Cub starts to walk.
Day 21 – 30 The milk teeth erupt; the canines come first with the back teeth a few weeks later.
Day 25 – 30 The cubs are able to run
Month 1 – 2 Cubs come out of hiding and are capable of the full repertoire of lion calls except roaring.
Month 2 -3 Able to keep up with the pride and start to observe prey movements. Weaning starts.
Month 6 – 10  The cubs are weaned but remain dependent on their mother until month 16, or even later.
Month 9 – 12  Eruption of permanent teeth begins but may take some months to complete the process. Cubs start to take part in hunts.
Month 12 – 24 Cubs make their first kills, usually on small or injured animals.
Month 24 – 27            Both males and females become sexually mature.
Year 2 – 3 Young males are pushed out of the pride. Young females unable to stand up to pride adults may also be forced to leave
Year 3 – 4 Reach adult size
Year 4 Females have given birth to their first surviving litter
Year 4 – 5 Males take over a pride tenure
Year 7 Weight peaks, mane reaches fullest extent
Year 10 Males ousted from their pride quickly die but may survive until c. 14 – 16 years if part of a strong coalition
Year 11 Female breeding starts to reduce
Year 10 – 15 Females die but may survive until c. 15 – 18 years

 

Diyaariye

  • Mustafe X Axmed Diiriye (M. Sheybe)
  • Email Onkod1990@gmail.com
  • University of Burao
  • Faculty Of Veterinary

COMMENTS
Latest News