Haqabtirenews.com
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ee Wargeysyada Saaka Qoreen.
June 15, 2016 - Written by Sports Staff
">

Ramadan Mubarak  meelkasta oo aad ka joogtaan dunida Ku Soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

kooxda.com ayaa idiin soo gudbinaysa dhamaan wararka suuqa kala iibsiga oo si toos ah u furmi doona 1 july ee inagu soo food leh Hadab wararkan waxa xuquuq dooda iska leh Wargaysyada ku hor qoran Kooxda.com kaliya way soo Turjuntay

 

  • Goolhayaha Manchester United David de Gea,ayaa u sheegay Macalinka cusub ee Jose Mourinho in uu doonay in uu sii joogo kooxda Manchester United xilli ciyaareedka dambe(Sun).

 

  • Kooxaha West Brom iyo West Ham ayaa doonaya in ay isku badashaan weeraryahada kala ah Saido Berahino iyo Diafra Sakho(Mirror).

 

  • Labada kooxood ee Manchester United iyo Manchester City ayaa isku baacsanaya Daafaca xulka qaranka England iyo kooxda Everton ee John Stones(Daily Star).

 

  • Kooxda Manchester City ayaa agu wadaa in uu ku dhawaaqo saxiixa xiddiga xulka qaranka Germany iyo Kooxda Schalke ee Leroy Sane(Marca)

 

  • wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe West Ham Dimitri Payet ayaa sheegay in xiddigan lagu iibsan karo lacag waali ah xagaagan(Sky Sports).

 

  • Kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Paris St-Germain ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya saxiixa xiddiga qadka dhexe ee xulka qaranka france iyo kooxda West Ham ee Dimitri Payet(Sun).

 

  • Manchester United ayaa ku dhow inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka xulka qaranka Sweden ee Zlatan Ibrahimovic kadib markii la isku af gartay heshiiska shaqsiga ah waxana uu caafimadka mari doona marka uu soo dhamaysto Euro 2016(Sky Sports).

 

  • Laakiin Red Devils ayaa laga yaabaa in ay tartan kala kulanto kooxda Bayern Munich iyada oo tababaraha cusub ee  kooxda Carlo Ancelotti uu doonayo in uu ka afduubto saxiixa xiddigan(Bild).

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News