Haqabtirenews.com
Tix La magac Baxaday, Dhibta Sheegtaye Xalkeedana Curi. WQ- Hal-Door Mukhtaar Cali Gabyaaye
June 15, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

Inkastuu wakhtigu isa soo tarayay tognaan iyo tabnaana lahaa waxad moodaa tan aynu maanta noolnahay inay tii hore ka darantahy waayo iyadoo dhib iyo dhibaato aan LA malaynkarayn bulshada Ku habsadeen ayaan haddana xal loo hayn loona raadinayn ilaa maanta garaadka iyo garashadii bulshaduna wuxuu Ku koobmay sidii dhibta loo bayaamin lahaa oo qudha. 

Haddaba bulshada waxan u sheegayaa in dhibta oo la sheegaa shay buuran ahayne xalkeeda loo baahanyahay innagan laynooga fadhiyo. Bal Hada Tixdan Gabyagana Ila Dhuux.

 

Wuu dhacay wixii dhacay
Dhammaa shalay wixii tagay
Caqliguna ma dhoohnee
Dhib wuxuu na wiiqiyo
Dheeftiisi noo qoran
Dhabse waxy tay sheekadu
Su,aashuna u dhacaysaa
Dhacdooyinka danbeetaa
Intii Ayn na dhaawicin
Sideen uga dhammaanaa
Dhiig iyo dhac iyo boob
Dhagar badan hadayn bari
Haamaha Ku dhuranoo
Dhamaanteen xumaatada
Qarbadada ka dhaansanay
Dhacdooyinka danbeetaa
Intii Ayn na Dhaawicin
Sideen uga dhammaanaa
Tagtadii dhamaataye
Timaadaduna dheel iyo
Dhalanteed sidiisii
Yay Ku dhaafinee dhugo
Haysku dhuujin dabaree
Dhiiji garashadaadoo
Waxad kaga dhamaanlayd
Dhakhso curi qof baad tee

COMMENTS
Latest News