Haqabtirenews.com
RASMI: Xiddiga Algeria Sofiane Feghouli Oo U Soo Wareegay London Isagoo Ka Soo Tagay Valencia.
June 15, 2016 - Written by Sports Staff
">

West Ham ayaa si xor ah kula soo wareegtay xiddiga garabka ka ciyaara ee Algeria Sofiane Feghouli iyagoo ka saxiixay heshiis seddex sannadood ah.

26 jirkaan ayaa qandaraaskiisa Valencia uu dhacay, waxaana uu iska diiday dalabyo uga yimid Benfica, Fenerbahce iyo Sevilla si uu u la shaqeeyo tababare Slaven Bilic.

Feghouli ayaa noqonaya saxiixii labaad ee xaagaga ee kooxda West Ham ka dib markii ay isna si xor ah kula soo wareegeen daafacii kooxda Borussia Monchengladbach, Havard Nordtveit.

5400

West Ham ayaa dooneysa inay xoojiso kooxdeeda ka dib markii ay kaalinta 7aad ku dhameysteen horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Sida ay isbuucaan sheegeysay jariirada Daily Mirror, kooxda ayaa sidoo kale laga soo diiday dalab ay horumarisay oo gaaraya 32 milyan ginni oo ku aadan weeraryahanka kooxda Lyon Alexandre Lacazette.

Kooxda Faransiiska ayaa ku dooneysa ciyaaryahanka 40 milyan ginni iyo lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedkiisa laakiin West Ham ayaa rajeyneysa in meel dhexe la isagu yimaado.

Qorre: maxamed jeesto5400

COMMENTS
Latest News