Haqabtirenews.com
Maxaa Ka Jira In Bayern Munich Ay Qorsheyneyso Inay Saxiixa Zlatan Ibrahimovic Ka Hoos Xado Man United?
June 15, 2016 - Written by Sports Staff
">

Man United ayaa tartan kala kulmeysa Bayern Munich oo ku aadan xiddiga ugu sareeya xiddigaha diirada u saaran xagaagan ee Zlatan Ibrahimovic.

Macalinka cusub ee Bayern Munich Carlo Ancelotti oo kula soo shaqeeyay Ibrahimovic kooxda Paris Saint-Germain ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuu dib u la midoobo kabtanka xulka Sweden.

Wararka ka imaanaya Jarmalka ayaa sheegaya in Bayern Munich ay u dhawaatay Ibrahimovic xilli ay ka cabsi qabaan in Robert Lewandowski uu ku biiro Real Madrid.

United ayaa aaminsan inay weli heli karaan Ibrahimovic, laakiin si fudud kuma heli doonaan saxiixa 34 jirkaan iyadoo Bayern ay diyaar u tahay inay sameyso wax walba oo awoodeeda ah oo ay ku soo xerogelin karaan xiddigaan.

Zlatan-Ibrahimovic

Si ka duwan Man United, Bayern Munich waxa ay u soo bandhigi kartaa Ibrahimovic inuu ka ciyaaro Champions League oo ah koobka kaliya ee ka maqan armaajadiisa koobabka ee buuxda.

Macalinka United Jose Mourinho ayaa isna la shaqeeyay Ibrahimovic markii ay wada joogeen Inter Milan iyadoo Red Devils ay rajeyneyso inay taasi ka caawin doonto saxiixa xiddigaan.

Ibrahimovic ayaa hakad geliyay ka hadalka mustaqbalkiisa ilaa iyo inta Sweden ay ku jirto tartanka Euro 2016, waxaana Man United iyo Bayern Munich ay dhamaantood diyaar u yihiin inay bixiyaan mushaharka 200 kun ginni isbuucii ee uu dalbanayo ciyaaryahanka.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News