Haqabtirenews.com
La Ogaaday Wakhtiga Neymar Heshiiska Cusub Qalinka Ugu Duugi Doono Oo La Helay Tollow Waa Goorma
June 15, 2016 - Written by Sports Staff
">

Sida laga soo xigtay wargeyska Catalan sports kooxda Barcelona ayaa heshiiska u kordhin doonta xiddiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr.maalmaha soo socda.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Neymar uu saxiixi doono ila 2020 waxa kor loo qaadi doonaa lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo iyada oo laga dhigi doono 230 million.

Xiddigan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad loola dhacay waxan uu kooxdiisa ka caawiyay in y ku guulaysto horyaalka La Liga iyo Copa Del Rey labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Neymar ayaa aad loola xiriirinayaa kooxda boorsada weyn ee Reer France ee PSG taas oo doonaysa in ay xiddigan ka qaadato kooxda Barcelona xagaagan.

Laakiin Heshiiska uu xiddigan saxiixi doono ayaa ka hor istaagi doona in ay kooxda PSG u dhaqaaqdo xiddigan oo ku qasbi doona in ay raadsato xiddigo kale.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News